Xilliga uu furmayo kal-fadhiga BF oo la muddeeyay iyo qorshaha Villa Somalia – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la muddeeyay inuu furmo 6-da bisha July 2024 oo ku beegan maalinta Sabtida.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddeynta kal-fadhiga ay ku timid kulan wada-tashi oo guddoonka ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee BJFS.

“Waxaa laga wada-hadlay maalinta la qaban karo kulan wada-jir ah oo lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka 11-aad. Guddoonku waxay isku raaceen in kal-fadhiga uu furmo maalinta Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Horey waxaa buuq badan ka dhashay, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin mucaaradka wax ka beddelka dastuurka oo ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin Xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka.