Guuxa mooshino iska soo horjeeda iyo guddoonka BF Somalia oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, sababo la xiriira guuxa mooshino iska soo horjeeda.

Wararka ayaa sheegay in kala aragti duwanaan soo kala dhex gashay xildhibaannada ay sababtay baaqashada kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddoonka sare ee Golaha Shacabka ayaa la gaarsiiyay mooshinnada iska soo horjeeda, wuxuuna kadib go’aansaday in la baajiyo kulanka maanta.

Xildhibaannada qaar oo ka hadlay arrintan, gaar ahaan baajinta kulankooda maanta ayaa si weyn u dhaliilay guddoonka golaha, waxaana arrintan ay dhalisay kala qaybsanaan wayn.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xildhibaannada u ololeynaya mooshinnada in dhinac weliba uu wato qorshahiisa gaarka ah, uuna doonayo in la dhaqalgeliyo soo jeedintiisa.

Sidoo kale waxa ay dooddan xoogan ugu dambeyn keentay in laga fursan waayay in la baajiyo fadhiga guud ilaa inta xal laga gaarayo mooshinadan iska soo horjeedo.

Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana dhowr kulan loo baajiyay xilligii ay taagnayd xiisaddii ka dhalatay xildhibaannadii taageeray Itoobiya, illaa mar dambe si hoose la xalliyay kadib dagaallo kala duwan oo uu sameeyay guddoonka sare ee baarlamaanka.

Si kastaba, baaqashada maanta ee kulanka Golaha Shacabka ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu safar ugu maqan yahay dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana la filayaa inuu si deg deg ah dib ugu soo laabto dalka.