Hab-dhaqanka dowladda Xasan Sheekh oo laga digayo inuu caawiyo dhinac halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aad u qaabeyso xukunkaaga ayaa dhalin karta jaceyl ama naceyb, kalsooni ama kala shaki bulsho.

Haddii qofka madaxda ah uu la yimaado qorshe xumo, eex siyaasadeed ama qabyaalada qoysaysan dhaxalku waa niyad jab shacab, waxaana dhici karta in dadka si buuxda uga horyimaadan qofka xukunka haysta ama inay taageeraan fikrado kale oo halis ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xukunka Soomaaliya laba jeer qabtay ayaa weli lagu eedeynayaa musuq, qabyaalad iyo maamul xumo.

Xildhibaan Xuseen Dhagaweyne oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu asbuucan ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa hoggaan xumo, qorshe xumo, cadaalad darro iyo eex.

Wuxuu sheegay in dhaqamadaasi ay yihiin kuwo u daneynaya ama caawinaya argagixisada.

Xildhibaan Dhagaweyne oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya oo kamid ah goobaha ay weli haysato argagixisada oo wax laga weydiiyay sababta dhulkaasi loo xoreyn waayay ayaa sheegay in sida dagaalka loo hoggaamiyay oo qaldaneyd inay keentay in cadowga laga xoreyn waayo deegaanadaas.

Wuxuu ku baaqay in hoggaanka Xasan Sheekh uu is hagaajiyo si dalka loo hagaajiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ereyo toosin ah ka helay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, tan iyo markii uu furmay kal-fadhigga 5-aad ee baarlamaanka.

Laakiin Villa Somalia waxay dhaliilahaasi u taqaana duullaan siyaasadeed. Qofkasta oo madax looga dhigo Soomaaliya waxaa laga rabaa cadaalad iyo sinaan bulsho, inuu amaanada ilaaliyo oo xoolaha dadka la boobin iyo in uusan uga sii darin xaalka oo aanay dadka dooran duul qaldan sida argagixisada.

Marka aad soo qaadato ereyada cadaalad, sinaan, ammaano iyo hufnaan maamul oo aad ku fiiriso nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kusoo baxaya is-diidooyin badan iyo niyad-jab.

Laakiin madaxweynaha weli wuxuu haystaa waqti uu dalka ku badbaadin karo, niyada shacabka kusoo celin karo, waana haddii uu hagaajiyo maamulkiisa oo eexda iyo musuqa wax laga qabto, mudnaana la siiyo dowlad wanaaga iyo dad isku haynta.