Hakan Fidan oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah.

Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara.

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada.

Turkey ayaa illaa hadda marti-gelisay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda.

Wareeggii saddexaad ee wada-hadalalda oo la qorsheeyey in uu Ankara ka dhaco Talaadadii ayaa la baajiyey.

Xiriirka labada dal ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso.

Muqdisho ayaa heshiiska ku tilmaamtay sharci-darro, waxayna uga aargudatay inay cayrisay safiirkii Itoobiya kuna hanjabtay in ay dalka ka saareyso kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, oo gacan ka gaysta la-dagaalanka Al-Shabaab.

Kadib labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay ayada oo ay hawada isu mariyeen hadallo kulkul.

REUTERS + VOA