Hal tallaabo oo haddii ay Qatar qaado dhibaato weyn ku noqon doonta Imaaraadka

Doha (Caasimadda Online) – Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hoggaaminayo go’doomin la saaray dowladda Qatar kadib markii ay ku dhawaaqeen iyaga iyo laba dowladood oo kale inay xiriirka u jareen dowladda Qatar.

Dowladahaan ayaa Qatar ku eedeeyey inay taageero argagixisada midaas oo loo arko inay tahay xalaaleysi lagu doonayo in lagu dhimo awoodda dowladd Qatar oo dhaqaale ahaan liiska adduunka kaga jirto meel sare.

Dowladahaan ayaa Qatar saaray cuna qabateyn xagga Cirka Badda iyo dhulka, waxayna dowladda Qatar heysataa fursad weyn oo ay dowladda Imaaraadka uga aarsan karto xiriirka ay u jartay.

Dowladda Qatar ayaa awood u leh inay Imaaraadka ka joojiso gaaska ay Doha siiso Abuu Dubai, taasoo ay Imaaraadka ku daboolato 30% baahida ay Gaaska u qabto.

Qatar ayaa bilowday inay Gaaskaan u gudbiso Imaaraadka kadib markii ay dhibaato weyn Imaaraadka ka qabsatay warshadaha gaarka loo leeyahay iyo meelaha laga dhaliyo korontada.

Imaaraadka ayaa dhibaato weyn ku qabi doonto haddii ay dalka Qatar ka joojiso Gaaskaan, inkastoo ay Qatar ka dhawaajisay inaysan marnaba ka jari doonin iyadoo tixgelineyso shacabka Muslimka ah ee ku dhaqan dalkaas.

Dowladda Qatar ayaa muujineyso karti iyo ixtiraam aysan muujineyn dowladaha weerarka ku hayo, waxaana tusaale kuugu filan in dowladda Sacuudiga ay go’aansatay inay dadka Qatar u diido beydka Alle, taasoo la sheegay inay xadgudub ku tahay diinta Islaamka, waxayna midaas caddeyn u tahay inay Qatar ka mas’uuliyad fiican tahay dowladaha ku kacsan, maadaama ay islaanimo darteed u diiday inay shacabka Imaaraadka ka joojiso Gaaska ay siiso.

Caasimada Online
Xafiiska Doha
caasimada@live.com