Xaalad HALIS ah oo kasoo cusboonaatay Kaaraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale xaalad halis ah ay kasoo cusboonaatay degmada Kaaraan oo mar kamid ahayd degmooyinka ugu amniga xun ee gobolka Banaadir.

Ciyaal weero cusub ayaa dib uga soo baxay degmadan oo horay looga tirtiray kooxaha ciyaal weerada iyo sidoo kale burcadda hubeysan, kadib qorshe ay la timid dowladda.

Dadka deegaanka ayaa haatan ka cabanaya xaalad cusub oo kusoo korortay,, gaar ahaan soo noqoshada ciyaal weeraro oo halis ku aha shacabka ku dhaqan halkaasi.

Xaafadda Burka Diikow oo ka tirsan degmada Kaaraan ayaa lagu arkay kooxdan oo raxan raxan usocota, isla markaana dhagxeynaya guryaha, sidoo kalena dhibaateyda dadka shacabka ee lugeynaya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa farriin u diray maamuka degmada iyo saraakiisha amniga, waxayna ugu baaqeen inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladda soo korortay.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaalka kooxda ciyaal weerada oo dhibaato ka gaysaneydo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ma’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ku aadan cabashada kasoo yeereysa shacabka degmada Kaaraan.

Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka nasatay kooxaha ciyal weerada, waxaana hadda laga digayaa in mar kale ay noqoto halis kusoo laabata dadka ku dhaqan caasimada.