Halka ay iska qaadan karaan tallaabooyinka u dambeeyay ee Xasan Sheekh iyo baaqii DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fasaxay magacaabista saddex siyaasi oo reer Puntland ah 72 saac ee lasoo dhaafay.

Waxaa ku jira taliyihii hore ee ciidanka PSF Asad Cusmaan Diyaano iyo wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan. Magacaabistan waxay 72 saac ka dambeysay baaq nabadeed oo Saciid uu kasii diray magaalada Garoowe, isagoo dalbanaya in dowladda federaalka ah fagaare ku wada hadlaan.

Xasan Sheekh oo aan ka jawaabin baaqii Deni ayaa bixiyay kuraas uu billooyin kahor siiyay xubno reer Puntland ah. Waxaa durba lala aaday in uusan Xasan diyaar u aheyn inuu Deni la heshiiyo, maadaama uu xilal siiyay mucaaradka Saciid Deni, laakiin xaajadu halkaa ma jirto.

Dhowr arrimood in la fahmo waa muhiim.

1. Dalabka wada-hadalka

Farriinta wada-hadalka ee ka timid Deni iyo aqbalaada Xasan Sheekh midna khiyaarkooda ma ahan ee waa cadaadis ka yimid beesha caalamka. Inay diidaan ama kulmaan waxaa laga eegaya dhinaca Xalane.

2. Xilal bixinta Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay majiro hoggaamiye gobolleed laga talo-geliyay xilalka la siinayo dadka kasoo jeeda maamulkiisa.

Madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle midna lagalama tashado wixii federaalka laga siinayo dadka kasoo jeeda deegaanadooda. Deni waa lamid, sidaas awgeed iskuma xirnaan karo magacaabisyadan qorsheysnaa iyo wada-hadalka Deni iyo Xasan Sheekh.

Haddii la yiraahdo waa xubno mucaarad ku ah Saciid Deni, sidoo kale xubnaha federaalka xilalka ka haya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo Galmudug waa kuwo mucaarid ku ah Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, sidaas awgeed isma quseeyaan

3. Bixin qorsheyneyd iyo wada-hadalka

Saciid Deni waa ogaa in Xasan Sheekh xilal u ballan-qaaday Asad Diyaano, Gallan iyo xubno kale oo reer Puntland ah.

Waxaa kasii horeeyay Cali Xoosh oo laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah, kaas oo isna kamid ah mucaaradka Saciid Deni.

Ballan qorsheysneyd dalabka Deni kahor in loo bur-buriyo baaqaas dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan midna sax ma ahan.

4. Wada-hadal cusub iyo shuruudo cusub

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh colaadooda waxay la xiriirtay kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin hadda waxaa lasoo gaaray waqtigii laga hadli lahaa doorashada dalka.

Deni wuxuu rabaa in arrinta doorashada iyo dastuurka laga heshiiyo. Shuruudihiisa hadda kuma dhiso karo xilal xubno reer Puntland ah laga siiyay dowladda federaalka ah.

Haddii uu Saciid Deni weli leeyahay damac madaxweyne Soomaaliyeed ah waa inuu dooddiisa sal uga dhigaa arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.

5. Dabacsanaan guud

Soomaaliya waxay taagan tahay isgoys halis ah, waa xilligii loogu baahida badnaa midnimo iyo wada-jir. Labada nin ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni waa inay dabacsanaan u muujiyaan danta dalka iyo midnimada umadda, oo meesha laga saara qodobadda yaryar ee la xiriira danaha shaqsiga ah.