Muqdisho (Caasimada Online)-Markii farta la iga saaray liiska maxaabbiista, warbixin kooban ayaa la iga siiyay dadka qaar nawaaxiga Muqdisho ay heliddoodu adkaatay.
Waxaa ka mid ahaa nin cinwaankiisu yahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, laakiin inkasta oo Wasaaradda dhowr jeer la tegey laga waayay qof magaciisa aqoonsada.
Ninkaas waxaan hadda magac ahaan u adeegsanayaa in uu ahaa Cabdi.
Waa nin uu walaalkiis oo maxbuus Ethiopia ku xirani uu waraaq u soo diray laakiin si lagu wargeliyo la la’ yahay.
Mar iyo laba markii aan tegey Wasaaradda oo dad badan aan wareystay waa la garan waayay.
Ninku in uu yahay dhakhtar xoolaha, in uu yahay Agaasime ama xisaabiye, in uu yahay darawal, in uu sheybaar ka shaqeeyo midna kuma cadda waraaqda. Xataa waaxda uu ka tirsan yahay kuma qorna ama in uu Gobol ka shaqeeyo iyo in uu xarunta joogo ma ogin.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ku laabtay Wasaaradda goor duhurkii ku beegan inta aanan qado tegin.
Waaxda Shaqaalaha ayaan tegey. Waxaa kale oo aan la kaashaday nin Wasaradda ka shaqeynayay in ka badan 10 sano.
Waxaan u sheegay in aan hubo in Cabdi Wasaaradda ka shaqeynayay 1977. Laakiin ka dib aanan ka warqabin. Bal maskaxdaada dib ugu laabo oo feker. Qof magacaa lahaa oo Wasaaradda ka tegey, dhintay ama meel kale loo beddelay haddii aad xusuusan karto.
In door ah markii uu fekeray, liiska shaqaalahana la eegay. Cabdi waa la gartay.
Waxaa la ii sheegay in uu Cabdi weli ka tirsan yahay Wasaaradda, qeybta xannaada Digaagga, oo uu joogo beer Digaagga lagu xannaaneeyo oo ku taalla Waddada Afgooye Km 13.
Dhowr xarun oo digaagga lagu xannaaneeyo oo qaar ay Wasaaraddu leedahay qaarna uu yahay ganacsi ayaa waddada Afgooye ku yaallay. Markaa tilmaan wanaagsan ayaan ka qaatay.
Waan u mahadceliyay.
Km 13
Wakhti aniga oo aan lumin ayaan ku dhacay waddada Afgooye. Daqiiqado yar ka dib beerta ayaan gaaray.. Iridda hore nin aan kula kulmay ayaa ii tilmaamay oo farta ku fiiqay guriga Cabdi oo markaa ii muuqda.
Guriga ayaan tagey oo gabar guriga joogtay ayaan weydiiyay. Markii hore su’aalo yar ayay i weydiisay, sida kummaad ahayd? iyo maxaad ka rabtaa?
Waan isu sheegay, shakigana waan ka saaray.
Ka dibna, nin beer falaya oo meel dhinaca midig iiga began oo xerada dhexdeeda ah aan ku soo maray oo i soo eegay markii aan soo dhaafayay ayay ii tilmaantay oo ay tiri waa kaas Cabdi.
Inkasta oo aan meeshu sidaa iiga fogeyn, haddana qorrax kulul ayaa jirtay. Gaariga ayaan ku laabtay, ka dibna waxaan u tegey Cabdi oo beer falidda joojiyay marka uu arkay baabuurka gurigiisa hor istaagay ee haddana dhankiisa u soo dhaqaaqay.
Geed aan u maleynayo in uu garas ahaa ayaan hoostiisa la tagey oo u warramay.
Walaalkiis oo dagaalkii 1977 loo qaatay in uu ku dhintay ayaan si tartiib tartiib ah oo qaarba mar ah ugu sheegay in uu nool yahay, waraaqna aan uga sido.
Cabdi shucuurtiisa oo dhan ayaa mar keliya is beddeshay, waxayna igu qaadatay wakhti dhan in aan sugo marmarna aan ku tuuro kelmad aan ku dejinayo.
Waxoogaa ka dib, markii uu miyirsaday, oo murugada uu warkeygu xusuusiyay uu ka soo yara kabanayo oo ay isu beddeleyso nooc farxad billow ah ayuu ii soo hor kacay dhinaca gurigiisa asaga oo waraaqda walaalkiis gacanta ku sita laakiin aammusan. Guriga markii aan nimid gabadha ayay meel aan iga fogeyn ku wada hadleen. Codkooda ma wada maqleyn laakiin waan hubay in uu warka farxadda leh la wadaagay marka aan eegay luqadda jirkooda.
Wuu igu soo laabtay. Aad ayuu iigu mahadceliyay. Biyo ayuu i siiyay. Ka dibna qado ayuu igu martiqaaday inkasta oo aan ka cudur daartay.
Wixii markaa ka dambeeyay, Cabdi si joogto ah ayaan ugu imaan jiray ugu yaraan bil kasta hal mar si aan ugu keeno waraaq uu walaalkiis u soo diray, jawaabatana aan uga qaado.
W/Q. Yuusuf Garaad
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com