Heshiisyaddii ugu badnaa oo buray kadib qaraarkii golaha wasiirrada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraarkii xalay ee Golaha Wasiirada ka soo saaray arrimaha canshuuraha iyo dakhliga dalka. Yaa guuleystay, Yaana laga guuleystay?

Iyadoo xalay Golaha Wasiirada XFS uu meel mariyay qaraarka ku saabsan canshuuraha iyo dakhliga dalka ayaa waxaa ka yimid weydiimo kala duwan sida loo kala qaaday arrimo markii hore isku cakirnaa sida dakhliyo shirkado qaadayeen oo ku dhacay koontadooda bangiga, balse Goluhu uu meel mariyay wixii hadda ka dambeeya in lagu shubo Khasnada Mideysan (TSA).

Sidoo kale waxaa Goluhu gebi ahaanba meesha ka saaray ama uu baab’iyay heshiisyo dhawaangal ah oo mid ka mid ah muddo sanad aan shaqeyn.

Waxaa guuldareystay heshiisyadan:-

1- Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo horay loo galay ayaa muddo sanad ah shaqeyn adeeggan, waana la joojiyay markii uu socon waayay.

2-Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista
koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay, heshiiskan oo todobaadyo ka hor ay Wasaaradda Dekedaha ay gashay ayaa inta aan la bilaabin waxaa ka dhashay buuq iyo jahwareer sababi rabay in howlaha Dekedda uu istaago.

3- Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose

Heshiisyadan labo ka mid ah ayaa ahaa mid dhawaanahan la meel mariyay, balse dhaqan gelintiisa ay muran badan ka dhalatay, gaar ahaan shaqsiyaadka qandaraaska la siiyay oo ahaa kuwo iskood macaash doon u ahaa oo ay Mas’uuliyiin shirko kula ahaayeen.

Adeegyada kale ee Golaha Wasiirada inay shaqada sii wadaan, balse lagu xiray in dakhliga ay qaadaan lagu soo shubo Khasnada Mideysan TSA ayaa kala ah:

1- Adeegga SCAN-ka ee Dekedda lagu hubiyo badeecadaha ayaa hoos loo dhigay waxaana qiimaha adeegga laga dhigay 50% iyadoo khidmada ka soo xaroota lagu Qaban ay khasnada mideysan TSA.

2- Quality Control Ama Fayadhowrka Badeecadaha oo markiisa hore heshiiskiisa ay daba socotay World Bank oo halka ay ku dhacdo lacagta laga qaado ganasactada oo ahaa 80 dollar laga qaadi jiray Kunteenarka, isla markaana shirkad shaqsi ku dhici jirtay ayaa xalay qandaraaska laga joojiyey.

Hase ahaatee waxaa loo wareejiyay in ganacsatada shahaadada ka soo qaataan
Shirkada Bureau Veritas oo ah shirkadaha ugu weyn adduunka.

Haddaba Shirkadaas ma aqbali doontaa in shaqsiyad shirkad ay leeyihiin lacag aan dowlada ogeyn usoo shubto ama akoon shaqsi siiso.

Maxeyse dowladda ku leedahay? Maxeyna shaqsiyaadka leeyihiin. Maxeysa shirkada leedahay? Maxaana laga dhimay maadaama shirkado badan la joojiyay ama lacag dhimis lagu sameeyay? Waa su’aallo u yaal Wasiirka Maaliyadda.

3- Guddiga gadiidka oo in muddo ah qaadan jiray lacago tiro badan oo aan shacabka wax badan loogu qaban jirin xalay qaraarkii Golaha wax weyn oo looga bedelay ma jirin, balse lagu soo koobay oo kaliya in Wasaaradda Gaadiidka ay ka soo warbixiso, taasoo macnaheeda tahay ganacsatada wakhtiga haloogu dheereyo, ugu dambeyn muddo kaddib si loo iloobo, taasna waxay caddeyneysaa in jilbaweynta heysato laga cabsaday oo la iska dhaafay.

Isku soo wada duuboo dhammaan arrimihii xalay Golaha Wasiirada soo saareen waxaa u kala bixineynaa Yaa Guuleystay, Yaa Guuldareystay Winners and Losers

1- Container trucking (losers )
2- Container cleaning( losers)
3- SCAN (losers )
4- Faya dhoorka Dowladda Hoose ( losers)
5- Quality Control( Winner)
6- Guddiga Gaadiidelyda. (Winner)

W/Q: Abdiaziz Golfyare