Hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in hooyadan Soomaaliyeed iyo gabdhaheeda la afduubtay Isniintii lasoo dhaafay, kadibna si xun loo dilay, ayada oo la jarjaray qaar kamid ah xubnahooda.

Hooyada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Waris Daa’uud, halka laba gabdhood lagu kala magacaabi jiray Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir aheyd.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ayaa aad uga naxay falkan, waxaana maanta xaafadda Islii ka socda dibad-baxayo ay dhigaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga ee Nairobi, iyada oo saameyn ay ku yeelatay dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Dhanka kale Booliska ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegeen inay soo bandhigi doonaan natiijada baaristooda.

Si kastaba, illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeyso dilka qoyskan, laakiin waxaa laga war sugayaa dowladda Kenya iyo natiijada kasoo baxday baarista ciidamada Booliska.