Horjooge Ismaaciil iyo Ilyaas oo muddo kadib usoo gacan galay dowladda kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Jimcaale Fiidow ayaa maanta usoo gacan galay dowladda kadib markii uu isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ka howl-gala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Ismaaciil oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu adkeysan waayay howl-gallada ay wajaheyso kooxda, isaggoo ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli baaqiga ku ah kooxda inay iskaga soo baxana.

“Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeyn karo, rafaad, oon iyo cabsida xooggan ee howlgalka ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa weli aanan quusan inay meesha ka soo baxaan,” ayuu yiri Horjooge Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, waxaa isla maanta ciidanka dowladda isna isku soo dhiibay Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid, kana tirsanaa muddo kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa isna isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa kadib xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka ayaa ninka uga hortagay deegaanka Xuseen Cagey, waxa uuna kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ku qaadayaan keymaha Khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso, taasi oo keentay inay isa-soodhiibaan xubna badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsanaa kooxda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab oo bilihii dambe uu gaabis ku yimid ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka, oo dhowr jeer uga dib dhacay waqtigiisa.

Horjooge Ismaaciil – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah.
Ilyaas – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah.