Howlgallo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay iyo GEDO

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaano isku xira gobollada Baay iyo Gedo ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay xadka labada gobol, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay.

War kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalladaas lagu baacsanayay Shabaabka ku sugan halkaas oo ay sheegtay inay dhibaato ku hayeen shacabka.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo halkaasi oo maleyshiyaadka nabaddiidka ah ay shacabka ku dhibaateynayeen” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in howlgalladan jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana la buburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

“Ciidanka waxay burburiyeen goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, si dadka shacabka ah ee ku safra waddooyinkaas ay lacago baad ah ay uga qaadaan” ayaa la raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhankiisa taliyaha ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Laba Xidigle Ahmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan lana ciribtiri doono Khawaarijta halkaas ku sugan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weli waxaa gudaha Soomaaliya ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah.