Ilhaan Cumar oo diiday inay hor fariisato madaxweynaha…

Washington  (Caasimada Online) – Xidlhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka

Ilhaan Cumar ayaa diiday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweyne Isaac Herzog, sababo la xiriira xiisadda weli kala dhexeysa maamulka Israel.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayaa ku sheegtay in sida ay uga baaqatay kulankii ra’iisul wasaaraha Hindiya la yeeshay golaha ay ka tirsan tahay ay kana uga baaqsan doonto, waxayna sababta ku sheegtay in dowladahan aysan ilaalin xuquuqda bani’aadanimada.

“Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay Israel ku eedeysay inay horay deegaanadeeda ka mamnuucday ayada iyo Rashida Tlaib oo ay sheegtay in loo diiday inay soo aragto ayeyadeed.

“Ma jirto si aan uga qaybgalo khudbad uu fadhiga wadajirka ah u jeedinayo madaxweyne waddankiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib u diiday inay soo aragto ayeydeed.” ayay tiri.

Dhanka kale waxa ay soo hadal qaaday qaddiyadda Falastiin, waxayna sheegtay in Israel ay si cad wacad ugu martay inay burburin doonto rajada dowladnimo ee Falastiin.

Si kastaba, Ilhaan Cumar ayaa bishii April laga saaray guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii lagu eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel, laakiin bishii June ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda, kaas oo mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.