ILHAAN CUMAR oo wajaheysa qorshe halis ah – Muxuu yahay?

Minnesota (Caasimada Online) – Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa illaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah.

Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aas-aasay ‘kooxda’.

Waxaa la sheegay in Ilhaan tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels.

Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil.

AIPAC waxay horeba u kharash gareeyeen $14 malyan, ayagoo ka caawinayey George Latimer oo ka tirsan dimoqaraadiga inuu kursiga ka rido Jamaal Bowman oo ka tirsan ‘kooxda’, aadna u dhaliila Israa’iil iyo dagaalkaba. Dhaqaalahaas ayaa Latimer ka caawiyey inuu guul aad u weyn gaaro.

Samuels oo ah siyaasi qunyar socod ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, horena xubin uga soo noqday golaha deegaanaka ee Minneapolis ayaa doorashadii noocan oo kale ahayd ee isreeb-reebka ku guuldarraystay ka dib markii ay 2022 Ilhaan Cumar kaga guulaysatay 2,466 cod.

AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midka yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin.

“Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto laakiinse sidoo kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’.

“Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ilhaan ayaa horey loogu eedeeyey in ay horay u dhaliishay Israa’iil, arrintaas oo uu ku gacan-sayray xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga.

218 xubnood ayaa u codeeyay in Ilhaan laga saaro guddigaas, halka 211 xubnood ay diideen mooshinkaas.

“Waxaa jira feker ah in aad tahay la tuhunsane haddii aad tahay soogalooti, aad ka soo jeedo qeybo gaar ah oo kamid ah caalamka, ama iyadoo lagu saleynayo midabkaaga ama in aad haysato Diinta Islaamka,” ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan Cumar waxay markii afaraad u tartamaysaa in laga soo doorto degmada shanaad oo ah Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran.

Ninka la tartamaya Ilhaan, Don Samuels, oo markiisii hore ka yimid Jamaica, taageerada uu ka helayo AIPAC ma cadda inta ay le’eg tahay, laakiin hore ayuu ugu dhaliilay inay Ilhaan ka hortimid oo ka codaysay qorshe cod loogu qaadayey dhaqaale la siin lahaa ciidanka Israa’iil, isagoo arrintaa awgeed ku tilmaamay in ”degmada ay ka dhigtay mid faquuqan oo gooni u go’an”.

Isha: BBC