Imaaraatka: Qatar waa qeyb ka mid ah Imaaradaheena ee aan dib u sheegano

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ayada oo weli ay xiisad ka dhex oogan tahay Qatar iyo dalalka kale ee gancanka carbeed, ayaa waxaa soo baxaya in Imaaraadka ay sanadii 2014 sheegteen in Qatar ay ka mid tahay dhulkooda.

Wargeyska Arabnews ee kasoo baxa Sacuudiga ayaa April, 2, 2014 qoray in sarkaal sare oo amni oo Imaaraati ah, Dahi Khalfan uu sheegtay in Qatar ay tahay qeyb ka mid ah Sacuudiga. Khalfan ayaa markaas ahaa taliyaha booliiska Dubai.

“Qatar waa qeyb ka mid ah Imaaraatka” ayuu Khalfan ku qoray barta twitter-ka, isaga oo dalbaday in Imaaraatka ay dib u sheegtaan Qatar.

“Waa inaan xuduudda aan la wadaagno Qatar dhignaa boorar ay ku qoran yihiin, waxaad iminka galeysaa Imaaradda 8-aad ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta” ayuu yiri.

Imaaraadka ayaa iminka ka kooban 7 Imaaradood.

Hadalka Khalfan ayaa waqtigaas ka dhaliyey dood kulul baraha bulshada, waxaase hadda uu caddeyn u yahay in Qatar eedeymaha loo jeediyey ee lagu haysto ka badan ay jiraan.

Halkan ka aqri warbixintii Arabnews ka qoray arirntan

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com