Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan kordhisay joogitaankeeda milateri ee Soomaaliya, ka dib markii Al-Shabaab ay dhawaan weerar culus ku qaadday meel ku dhow Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dhalatay walaaca sii kordhaya ee Ankara ka qabto xaaladda amni ee dalka, sida ay ilo dhowr ah oo xog-ogaal u ah arrintan u sheegeen Middle East Eye.
Toddobaadkan gudihiisa, Turkiga wuxuu Soomaaliya geeyay ciidamo ku dhow 500 oo askari. Tiradan ayaa ku dhowaad laba-laabaysa shaqaalaha milateri ee Turkiga ee Soomaaliya horay u joogay.
Ciidamadan cusub ayaa loo xil-saaray inay ilaaliyaan oo ay dayactiraan saldhigga milateri ee Turkiga, ee loo yaqaanno Turksom. Sidoo kale, waxay hawl-gelin doonaan diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hubeysan oo lagu weerari doono Al-Shabaab, waxayna sugayaan amniga dekedaha Muqdisho.
Ka dib markii Al-Shabaab ay bishii Maarso samaysay horumarro istiraatiiji ah, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay Ankara. Halkaas ayuu kulan gaar ah oo aan saxaafaddu goobjoog ka ahayn kula yeeshay Madaxweyne Erdogan, waxaana kulankaas kaliya joogay wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya ee xilligaas.
Waxa kulankaas looga hadlay weli looma shaacin si rasmi ah, inkastoo kulankaas uu dhaliyay rajo ku aaddan taageerada milateri ee Turkiga uu siin karo Soomaaliya.
Sarkaal sare oo u dhashay Turkiga ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay qorsheyneyso inay xoojiso taageerada ay Muqdisho ka siiso la-dagaallanka argagixisada marka la gaaro waqti dambe, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin.
Khubaro badan oo arrimaha Turkiga falanqeeya ayaa aaminsan in horumarka degdegga ah ee Al-Shabaab ay qayb ahaan ka dhalatay kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee u dhaxaysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah khubarada ayaa tuhunsan in qaybaha mucaaradka ay indhaha ka qarsanayaan dhaq-dhaqaaqyada kooxda (Al-Shabaab) si ay u wiiqaan dowladda hadda jirta, ka hor doorashooyinka madaxtinimada ee muhiimka ah ee la filayo sanadka soo socda.
Ilo gobolka ah oo ka war haya hawl-gallada milateri ee Turkiga ee Muqdisho ayaa u sheegay Middle East Eye in ilaa 300 oo ciidamo Kumaandoos ah oo Turki ah loo daabulay Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xarumaha ay Turkiga ku leeyihiin Muqdisho iyo inay gacan ka geystaan tababarka ciidamada Soomaaliya.
Shaqaale dheeraad ah oo gaaraya 200 oo qof ayaa loo soo diray si loo xoojiyo hawl-gallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan. Hawl-gallada noocaan ah ayaa si tartiib ah u kordhayay tan iyo bishii hore.
Inkasta oo diyaaradaha Turkiga ee nooca TB2 Bayraktar ay horey hawlo uga wadeen Soomaaliya, Ankara ayaa dhawaan dalka soo geysay laba diyaaradood oo nooca Akinci ah.
Diyaaradahan Akinci, oo awood u leh inay ku duulaan meelo aad u sareeya muddo dheer, ayaa loo arkaa inay ku waxtar badan yihiin la-dagaallanka Al-Shabaab. Tani waxay ka dhalatay awooddooda aragti habeenkii oo horumarsan iyo inay hawl-geli karaan 24 saac gudahood.
“Diyaaradaha Akinci waxay aad ugu habboon yihiin bartilmaameedsiga Al-Shabaab, oo inta badan hawl-gala habeenkii si ay uga baxsadaan in la ogaado,” ayuu ilo wareedku u sheegay Middle East Eye.
Ilo kale oo goboleed ayaa u sheegay Middle East Eye in Turkiga uusan hadda qorsheynin inuu si toos ah dhulka ugula dagaallamo Al-Shabaab. Tani waxay u baahan tahay, sida uu sheegay, oggolaansho rasmi ah oo ka yimaada Baarlamaanka Turkiga.
“Ciidamada Turkiga waxay halkaas u joogaan oo kaliya si ay u ilaaliyaan hantida Turkiga iyo si ay u tababaraan oo ay ula taliyaan ciidamada Soomaaliya. Kaliya waxay la dagaallami doonaan Al-Shabaab haddii ay xaaladdu keento oo kaliya is-difaacid,” ayuu ilo wareedkaas sharraxay.
Sarkaal labaad oo Turkish ah ayaa xusay in hawada Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Maraykanka. Sidaas darteed, dhammaan hawl-gallada cirka ee Turkiga waxaa lala lala kaashaadaa Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom).
“Ciidamada Maraykanka mararka qaarkood waxay naga codsadaan gacan ka geysashada hawl-gallada bartilmaameedsiga,” ayuu sarkaalku yiri. Wuxuu hoos u dhigay wararka sheegaya inay jirto xiisad u dhaxaysa Ankara iyo Washington oo ku saabsan xiriirkooda kala duwan ee ay la leeyihiin Muqdisho.
Inkasta oo warar ay sheegeen in Ankara ay Soomaaliya ku wareejisay diyaarado qumaatiga u kaca (helicopters) oo laga sameeyey Turkiga, oo nooca T-129 ah, ilo Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in duuliyeyaasha Soomaalida ay weli tababar ku qaadanayaan Turkiga. Ilahaas ayaa beeniyay warka sheegaya in diyaaradaha la wareejiyay.
Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedka ayaa intaa ku daray in tababarkoodu uu ku dhamaan doono labada bilood ee soo socota. Tani waxay suurtogal ka dhigaysaa in ciidanka Soomaaliya ay bilaabaan duulista diyaaradaha qumaatiga u kaca dabayaaqada sanadkan.
Ilo wareed labaad ayaa sheegay in Ankara ay qorsheynayso inay sii waddo geynta ciidamada Soomaalida ah ee lagu tababaray magaalooyinka Turkiga ee Isparta iyo Izmir. Toddobaadkan gudihiisa, diyaarado ay leedahay dowladda Qadar ayaa Muqdisho soo gaarsiiyay rasaas dheeraad ah.
“Turkiga waxaa laga filayaa inuu geeyo diyaarado kale oo aan duuliyaha lahayn (drones) iyo inuu bixiyo taageero madaafiic ah (artillery support) haddii loo baahdo,” ayuu ilo wareedkaas ku daray hadalkiisa.