IMTIXAANKII KOFEEYGA (AQRISO)

Najma waa Gabar Somaaliyeed Da’deeduna ay udhaxayso 24 sano ilaa 27 sano jir ah, Najmo waa Gabar labadeeda waalid ay aad ujecelyihiin, iyaduna ay jeceshay, Nasiib wanaag Najma waxaa usuura gashay in ay xafido Quraanka Kariimka ah, waxay dhameeysatay wax bara shadeeda ilaa iyo heer jaamicadeed.

Najmo waxay shaqo ka biloowday mid ka mid ah Bangiyada ugu waa wayn Waqooyiga Ameerika, Najma waxaa usuuro gashay inay madax ka noqoto qaybta Ganacsiga iyo amaahda.

Najma waalidkeeda waxa ay aad uxiisaynayeen in Gabadhoodu ay guursato inta ay yartahay, Najma waxay la nooleeyd waalidkeeda iyo walaalaheeda, Najma waxay deganeed Qol iyada ugaar ah,Maalin walbo hooyadeed waxay ku tiraahdaa inantaydiyeey maad guursatid.

Najmo hooyadeed waxay ku tiri hooyo ha ka baqin waan guurasanaayaa haduu Rabi idmo lakiin hooyo waqti isii aan ku soo xusho nolasha qofkii aan la wadaagi lahaa???

Hooyadeed ayaa ku tiri waqtigaada qaado ilaahay na haku waa fajiyo kheyrka.

Najmo waxay biloowday in ay shukaansi ama haasaawe biloowdo, halka ay Najmo ka shaqayso waa goob ganacsi waana meel ay dad badani ay isugu yimaadaan waxay doorbidaysay in ay barato Raga Somaaliyeed.

Maalinma wiil bay barataa, siday sheekadu uwaday wiil dhalinyaro ah ayay ka heshay Aqlaaqdiisa iyo wanaagiisa waxay ka codsatay in uu ugu yimaado gurigooda ayna halkaasi ay ku sheekaystaan, wiilkii waa uu ka ogolaaday codsigii Najma.

Najma Qolkeedu waa wada Marbal cad oo aad uqurxoon Najma waxay la balantay wiilkii ay dhowaan isbarteen waxayna usii sheegtay labadeeda waalid in uu u imaanayo wiil ay dhawaan is barteen oo ay rabto in ay si hoose u sii barato, wiilkii inta uusan imaan ayay Najmo xogaa espresso coffee ayay meel dhulka fadhiga udhow ku daadisay marka cofeega lagu daadiyo meel cad waxa uu umuuqaal ekaanayaa dhiig madoow xigeen ah.

Wiilkii ayaa soo gar-garaacay Guriga Najmo albaabka ayay ka furtay way soo dhaweysay , waxay bartay labadeeda waalid , aad bay usoo dhaweeyeen, waxayna usii gudbeen qolkii Najmo daganeed, sheeko ayay halkaasi ka sii bilaabeen waxay u keentay xogaa Cabitaan qaboow ah iyo in yar oo Mac- Macaan ah.

Sheekada iyadoo meel wanaagsan umarayso ayuu wiilkii waxaa uu indha ku dhuftay wax u eg dhiig madoow, indhaha ayuu taag taagay oo waxa uu ka shakiyay waxa meesha ku daadsan ee dhiiga u eg, marka si kaftan ah ayuu ku yiri Najma Fasax Dumar miyaad ku jirtaa , oo way Garatay in uu ula jeedo Dhiigii caadada ahaa , Najma way qososhay wax jawaab ahna ma aysan siinin.

Sheekoooyin kale ayay usii waday aad ayay isula fiidsadeen way sii dhaweeysay , wayna ka soo laabatay, hooyadeed ayaa qolka ugu soo gashay oo aragtay waxa dhulka ku daadsan markaa bay ku tiri Naa Najmooy maxaad dhulka isaga nadiifin wayday oo wiilka kuu yimid haduu waxaan kugu arko waxaa uu uqaadan karaa in aad tahay Gabar Nadaafadeedo ay liidato.

Najma waa ay qososhay waxay ku tiri hooyo anigaa ugu talagalay waxaan ku kala ogaanayaa wiilasha aan la haasaawayo Caqligooda & Qaabka ay ukala daganyihiin.

Hooyadeed ayaa ku tiri wiilka hadda ka waran??

waxay tiri hooyo imtixaanka waa uu ku dhacay, waxa uu ahaa Wiil waxa uu ahaa Ragga wax mala awaali karo lakiin meel xun ayuu malo awaalay oo waxa uu ahaa wiil ay qiyaastiisu ay liidato, marka xagayga waa uu iga tufanyahay.

Najmo shukaansigii kama aysan harin hadana wiilkale bay isbarteen waxay keentay sida caadada u ahayd waalidkeeda ayay bartay , qolkeedii ayayna usii dhaafsiisay in yar markii uu fadhiga fadhiyay ayuu durbadiiba indhaha ku dhuftay wixii dhulka ku daadsana ee u ekaa dhiiga wax hadal ah ma uusan dhihin cabitaankii ay ukeentayna waa uu ka cabsaday wuu ka shakiyay ma uusan cabin, waxa uu yiri abaayo waxaan ka daahay xaafadayda oo shaqo ayaan sii aadi lahaa oo waaba uu sii cararay , maxaa yeelay waxa uu ka shakiyay iyada oo dhan meel cidlo ah ayuu ka cararay.

Najmo hooyadeed baa hadana waydiidsay ka waran wiilkaan kale??

waxay ku tiri hooyo kanaaba ka daran waa nin fudeed iyo fulaynimo dhameeyay oo dareen badan oo aan asiibi karin xaqiiqda.
Najma ma joojin howsheeda hadana mid sadexaad bay keentay xaafada , kolkuu isagana idhaha saaray ayuu yiri Najmooy ma mindi baa ku jartay oo dhiig kaa keentay oo sidaas dhulka ugu daatay????

Nasjmo uma aysan jawaabin sheeko kale ayay ugashay sidii bay ku sii dhawaysay.

Hooyadeed baa hadana weydiisay wiilka sadexaadna ka waran??

waxay ku tiri waa Wiil indho gashi(ookiyaalo) ubaahan maxaa yeelay gacnahayga wuu ujeedaa oo gacmihiisa ayaan kuqabtay wuu ujeedaa in aysan dhaawac ka muuqan waa Wiil qiyaastiisu ay liidato isagana waa uu ku dhacay imtixaanka.

Najmo weli kama aysan daalin howsheeda iyo wax raadinteeda waxay wado mudo badan ilaa ay gaarto tiro aan la qiyaasi Karin.

Habeen habeenada ka mid ah ayay isbareten wiil lagu magacaabo Hassan.

Hassan way soo dhaweysay waxay bartay waalidkeeda ka dibna Qolkeeda ayay usoo gudbisay, waxay ukeentay cabitaan qaboow iyo in yar oo mac-macan ah sidii caaduda ahayd, way soo horfariisatay sheekadii ayay isla galeen in yar ka dib Hassan waxa uu indha saaray Wixii dhiiga u ekaa, Hassan waa nin Khabiir ah oo Degan caqli badan wanaagsan, fudeydna ka fog, waxaa uu udhaqaaqay dhinaca kushiinka(jikada) waxaa uu ka soo qaaday masaxa wax lagu masaxo waxa uu masaxay wixii dhiiga u ekaa kadibna gacmaha ayuu soo dhaqday fadhigii ayuu ku soo laabtay.

Najma ayaa ku tiri Hassan waad mahad santahay wasaqdii aad soo masaxday.

Hassan ayaa ku yiri wasaq ma’ahan waa Qaxwo yacni espresso coffee ku daadatay ma ahan dhiig iyo wasaq, meeshuna way cadahay oo waxay umuuqaal ekaanaysaa sida dhiiga madoow, dadka qaarna way ku sirmaan oo dhiig bay uqaataan in uu yahay.

Najmo warqad bay usoo taagtay oo ku qoran you’re the winner of my live, adigu waxaad tahay ruuxa ku guulaystay noloshayda halkaas ayay Hassan sheeladkii cofeega uga sheekaysay Hassan ayaa imtixaankii Cofeega ku guulaystay.

Hooyadeed baa utimid oo ku tiri hooyo ii waran waxay ku tiri hooyo Hassan waa nin caqli badan degan fiiro dheer naxariisbadan ceeb asturna ah waa ninka aan nolasha lawadaagi karo.

Shakisbiir waxaa uu yiri Shimbirta Quruxdeedu waa Baalasheeda,Gabadha quruxdeeduna waa Cacligeeda,qofwalba waxaa uu ilaahay uu siiyay caqli waana lagu kala sareeyaa waxaana loo yaqana IQ.

Najma gabdhaha somaaliyeed waxay tustay sida waangsan ee wax loo xulan karo iyadoo sameeysan imtixaankii kofeega kuna soo xulatay wiilkii ay nolasha la wadaagi lahayd.

W/Q: M Adkeeste