Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaal cusub oo qaliinka oo ICRC ay ka hirgelisay Berbera ayaa bartamihii Agoosto 1989 billaabay in uu dhaawac qaabbilo.
Laba qeybood oo ay yaallaan 33 sariirood ayaa lagu billaabay howsha. Laba dhakhtar oo qalliin ah iyo afar kalkaaliye caafimaad ayaa lagu billaabay.
Waxaa diyaarintoodu socotay afar qeybood oo kale oo marka ay dhammaystirmaan, isbitaalka qaadkiisa gaarsiin doona 77 sariirood. Laakiin marka xaalad deg deg ahi ay jirto Isbitaalku wuxuu awoodaa in uu seexiyo 100 dhaawac ah.
Waa isbitaal qalliinka dhaawacyada dagaalka lagu sameeyo. Qalab wanaagsan ayaa yaalla.
Isbitaalka waxaa ka howlgala Dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad iyo sheybaarayaal dhammaantood u dhashay dalal dhowr ah oo Yurub ah.
Waxaa loogu tala galay in uu daweeyo dhaawaca dagaalka iyada oo aan loo eegin dhinaca uu xabbada u ridayo iyo in uu rayid yahay iyo in kale.
Inta aan ka warqabo militeri dhaawac ah waa la keenay, dhaawac SNM ahna waa la soo dhigay.
Taliyaha Militeriga ee Burco ayaan xusuustaa maalin uu hey’adda la soo xiriiray oo uu ka codsaday in laga soo qaado dhaawac SNM ah oo ay ciidankiisu qabteen. In aan maalintaas goobjoog ahaa darteed ayaan u xusay laakiin markaas oo keliya ma ahayn keenista dhaawaca SNM.
Dhaawaca Militeriga iyo dhaawaca SNM waxaa labadaba ka badnaa dhaawaca rayidka ee isbitaalka lagu qalo lana seexiyo. Rayidku wuxuu isugu jiray reer guuraa dhex istaagay beer miino, musaafar ayaga oo gaari wata ay miino la kacday iyo dadka rayidka ah ee magaalooyinka oo si uun xabbad ama qarax ula kulmay.
Miinada siiba midda waddooyinku waxay ahaayd farsamo dagaal oo SNM ay caan ku tahay.
Waxaa kale oo uu isbtaalku daweeyaa bukaan socod reer Berbera ah ama degaanno kale ka yimid.
Militeriga waxaa laga yaabaa in ay dhaawacooda meelo kale geyn jireen marka ay awoodaan. Waxaan hubaa in dhaawac badan loo qaadi jiray saddex Isbitaal oo militerigu ku lahaa Muqdisho.
ICRC waxay toddobaad kasta laba jeer raashin siisaa labada Isbitaal ee kale ee Berbera. Midkood waa Isbitaalka Qaaxada kan kalena waa Isbitaalka dhimirka.
ICRC waxay diiwaan gelisaa dadka rayidka ah ee la waayay. Waxaa laga yaabaa in la dilay, xabsi ay ku jiraan ama ay iskood u qaxeen iyada oo aan laga warqabin. Waxaa dhici karta in dalka gudihiisa ay ku barakaceen ama ay ka tallaabeen soohdinta.
Dayaaradaha ICRC
Dayaarad hal matoor leh oo ICRC ay leedahay ayaa dhaawaca ka soo qaadda Shiikh, Burco, Ceerigaabo, Hargeysa iyo Borame.
Dayaaraddu waxaa ay isbitaallada rayidka ee magaalooyinkaas geysaa daawo iyo qalab caafimaad.
Ma ogeyn in ciidanka airporka Berbera fadhiyaa uu intaa daba-gal ku hayo dayaaraddan yar ee ICRC. Ma ogeyn in ay hubiyaan in ay tagtay meesha uu duuliyuhu sheego in uu tegayo.
Maalin ayay dayaaraddu u baxday Ceeri-Gaabo. Markii ay soo laabatay ayay ciidanka airporka joogaa ay weydiiyeen duuliyaha meesha uu ka yimid. Duuliyaha oo ahaa nin dhallinyar oo Swiss ahi wuxuu ciidanka u sheegay in uu Ceeri Gaabo ka yimid. Isaga iyo nin la socday ayay ku xannibeen airporka.
Markii laga wadahadlay arrinta, wuxuu ciidanku qiil ka dhigtay in uu hubo in aan dayaaraddu tegin Ceeri Gaabo ee looga baahan yahay in uu duuliyuhu runta ka sheego meesha uu tegey.
Aakhirkii waxaa soo baxday in duuliyuhu aanuu caga dhigan Ceeri-Gaabo. Ceyryaamo awgeed ayuu degi kari waayay. Sidaa darteedna isaga oo aan ku deign Ceeri – Gaabo ayuu ku soo laabtay Berbera.
Dayaarad kale oo taa la nooc ah oo iyadana ICRC ay leedahay waxay isku xirtaa Muqdisho iyo Berbera oo maalintii mar ama laba jeer ayay u kala duushaa.
Hub-ka-dhigis General
Isbitaalka xag maamul iyo xag shaqaba waxaa gacanta ku haysa ICRC laakiin wuxuu ku furan yahay magaca Bisha Case ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.
Dhallinyaro ka tirsan Bisha Cas ayaa marmar tababbar Gargaarka Degdegga ah u sameeya dhallinyarada reer Berbera oo qaarkood markii dambe ay shaqooyin kala duwan ka heleen Isbitaalka.
Saraakiisha militerigu haddii ay shir ama cabasho u yimaadaan goob ay ICRC leedahay sida Xafiis, Isbitaalka, Goobta aan ka cunteyno iyo xataa Guryaha aan deggan nahay xeer ayaa noo yaallay ayaguna muran la’aan ayay u hoggaansami jireen. Nidaamku wuxuu ahaa in aanay la soo gelin. Bastoolad, qori ama banbaano.
Waxaan xusuustaa General markaas ahaa Taliyaha Qaybta 26aad ee Hargeysa oo noogu yimid miiska aan ka cunteyno. Waxaa loo diiday in uu bastooladdiisa la soo galo. Suunka baylka ah ee galka bastooladdu u suran yahay ayuu iska furay oo u dhiibay askari ilaaladiisa ah. Ka dibna isaga oo sacabbooleey ah ayuu keligiis miiska noogu yimid.
Laakiin maalin ayaa niman hubeysan oo isku beel ah ay gaadiidka hey’adda oo dhan mid kasta oo waddada marayay ay qabteen oo ay meel ku xannibeen. Isbitaalkana inta ay hub la galeen ayay gaadiid ka qaateen.
Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha maamulka iyo kuwa Xafiiska ICRC ee magaalada ayaa isu socon waayay, goobohooda shaqada iyo guryahoodana u kala socon waayay. Waxay noqotay in lug la adeegsado.
Xafiiskeyga Muqdisho ayaan maalintaa fadhiyay. Waxay noqotay in aniga ooo aan gurigeyga ku laaban aan isla maalintaas u duulay Berbera si aan waanwaanta wax uga galo.
Waxaan beesha gaadiidka la wareegtay ku marti qaaday meel lagu shiro oo Isbitaalka ka tirsan.
Waxaa ii soo baxday in dhaawucu markii uu batay, uu isbitaalku go’aansaday dadka hadda ka hor la qalay ee soo bogsoonaya kuwooda ugu xaalad roon in laga saaro Isbitaalka. Waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Degmada. Beeshani waxay markaas ku doodeysaa in dadkii la soo saaray oo dhami ay noqdeen beeshooda oo sooc ah. Waxay taas u aaneynayaan oo ay tuhmayaan in ay ka dambeeyaan dhallinyarada reer Berbera ee Isbitaalka ka shaqeeya.
Baaritaan kooban oo deg deg ah ayaan sameynay. Waxaana soo baxday in go’aanku uu ahaa mid sax ah oo ku saleysan xaaladda caafimaad ee bukaan kasta oo isbitaalka laga saaray marka la barbardhigo kuwa lagu reebay isbitaalka iyo kuwa maalintaas la soo dhigay.
Halkaas ayay nimankii falka geystay iyo odayaashoodu ay ku garawsadeen gefkeeda. Raalli gelin ay ka bixiyeen iyo ballan qaad in aanay mar dambe dhici doonin. Gaadiidkii oo dhanna waa ay soo fasaxeen.
W/Q. Yuusuf Garaad