Israel oo 492 qof ku dishay Lubnaan

Beirut (Caasimada Online) – Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil Isniinti shalay ku garaacday qeybo ka mid ah dalka Lubnan ay ku dishay 492 qof oo ay ku jiraan in ka badan 90 dumar iyo carruur ah.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay tii ugu ballaarneyd ee ka dhacda Lubnaan, tan iyo dagaalki Israa’iil iyo Xisbullah ee sannadki 2006-di.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in dadka ku dhaawacmay duqeynti Isniinti ay gaareen ilaa 1,645. Dhimashada ayay ku sheegtay ku dhawaad 500 oo ruux, oo ay ku jiraan 35 carruur ah iyo 58 dumar ah.

Millatariga Israa’iil ayaa digniin ku siiyay dadka rayidka ah ee daggan koofurta iyo bariga Lubnaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo sheegay in ay ballaarin doonaan duqeynmaha ay ka billaabeen Lubnaan.

Tobnaan kun ayaa markiiba ka qaxay aaggaasi una jiheystay dhanka caasimadda Beyruut.

Weerarka cirka ah ee ay Israa’iil ku qaadday Lubnaan Isniinti ayaa imayana, maalmo yar kaddib marki ay kumannaan qof ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday qalab is-gaarsiineed oo lala beegsaday xubno ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayay Xisbullah ku eedeeysay Israa’iil.