Israel oo sheegtay inay dishay Yaxye Sinwar oo dhawaan beddelay Ismaaciil Haniya

Tel Aviv (Caasimada Online) –
Israel ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay Marinka Qaza ku dileen hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar oo dhowaan beddelay hoggamiyihii hore Ismaaciil Haniyah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas oo ku saabsan dilka Sinwar oo xilka la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Israel Katz oo xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa wuxuu ku tilmaamay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October.

Katz ayaa intaa raaciyay: “Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso.

“Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa —oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.”

Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israa’iil ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax.

Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israa’iil ee Qasa waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof.

Sawirro googo’an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme.

Bishii August ayay ahayd markii kadib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ay ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo dhowaan lagu dilay dalka Iiraan.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yaxya Sinwar, uu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaq-dhaqaaqa, sida uu markaas sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonaysay sanadihii dambe

Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysnaa in Sinwar uu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah halka 251 la qafaashay.