ITOOBIYA ma waxa ay qorsheyneysaa inay Doolow sheegato? – Xog xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah ay soo buuxdhaafiyeen degamadaas, kuwaas oo qeyb aan ka aheyn howlgalka ATMIS.

Sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmadaas waxaa socda qorshe culus oo la ogaaday oo Itoobiya ay ku sheeganeyso degmada Doolow, ciidamada lasoo dhoobay degmadaas ayaa hordhac u ah damaca Itoobiya uga jira Doolow.

Sidoo kale waxaa Gedo ka soo yeeraya warar sheegaya in guddoomiyaha degmada Doolow Cabdi Maxamed Lafey uu aaminsan yahay in Doolow lagu daro dalka Itoobiya, taas oo halis badan ay ka dareemayaan dadka reer Gedo, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad ku sugan Doolow.

Ciidanka Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku wareejiyey degmadaas, dadka ku nool degmadaas ayaa cabsi badan ka qaba in Itoobiya ay ku dhiirato inay sheegato degmada.

In kastoo Itoobiya aysan toos u shaacin qorshahaan hadana guuxa ka jira magaalada Doolow ayaa ah in ciidamada halkaas la soo dhoobay ay hordhac u yihiin damaca Itoobiya.

Maalmahaan waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana maanta oo ugu dambeysay ay Itoobiya mar kale ku celisay in Somaliland ay aqoonsa doonto.

Sidoo kale warkaan wuxuu ku soo aadayaa xilli maanta wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu bartiisa Facebook ku qoran in Itoobiya aysan qaada karin dhul iyo bad Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa Itoobiya ku macneeyey mid ku jirta “Riyo maalmeed” in kastoo uusan bixin faahfaahin intaas dheer, hadana waxaa la aaminsan yahay inay gaartay xogta cabsida ka taagan Doolow.

Sidoo kale arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in bisha December ay dalka ka baxayaan ciidamada Itoobiya, balse Itoobiya ayaa diiday qorshahaan, waxaana arrinta ka taagan Doolow loo arkaa talaabo ay qaaday Itoobiya ka hor inta aan la gaarin qorshaha ay Soomaaliya isaga saareyso ciidamada dalkaas ka socda.