ITOOBIYA oo jawaab ka bixisay talaabo u qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Addis Ababa (Caasimada Online) – Aadan Faarax Ibraahim oo ah madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeedo qaranimada Soomaaliya, xilli uu ka hadlayay wada-hadalladii ka dhacay Turkiga.

Aadan Faarax oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka falceliyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay inuu ku noqday mid fajac ah, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in hadallada madaxweyne Xasa Sheekh ay gef iyo meel dhaca ku yihiin shacabka deegaanka Somalida ee Itoobiya.

“Waxaa maalmahan fajac iyo yaab nagu noqday hadallada ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaliya, hadalladaas oo aan ka turjumayn waaqica dhabta ah ee maanta jira iyo tagtadii shalay ee halganka Shacabka Deegaanka Soomaalida midnaba, hadalladaasi waxay gaf iyo meel ka dhac ku yihiin shacabka Degaanka Soomaalida” ayuu yiri Aadan Faarax.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan xuduud dheer, isla markaana  shacabka labada dal ee xiga dhanka xuduudda ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga dhaqan, diin iyo isir.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan Itoobiya ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaaliyeed oo u qaxay kadib burburkii dowladdii dhexe, isla markaana nolol iyo waxbarasho ay ku haystaan waddanka Itoobiya.

Aadan Faarax Ibraahim ayaa ugu dambeyn ugu baaqday madaxda Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarka shacabkooda iyo adkeynta a walaaltinimada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkeeda ay tahay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.