Itoobiya oo xeeladaynaysa shuruudda Somaliland ay ku xirtay helitaanka BAD

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladd Itoobiya ayaa ka laabatay go’aan ay dhawaan baahisay oo la xiriiray aqoonsiga maamulka Somaliland.

Hargeysa ayaa heshiis la gashay Addis Ababa horraantii bishii Janaayo ee sanadkaan, waxaana hoggaamiyaha maamulkaas Muuse Biixi uu bixinta qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya la xiriiriyay inay ku beddelanayaan in qeyb Soomaaliya kamid ah loo aqoonsado dal, halkaas oo ah gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa si weyn u diiday arrintaas. 72 saac kahor wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu noqon doono dalkii ugu horreeyay ee Somaliland aqoonsada.

Ma sheegin waqtiga laakiin waxa uu sheegay inay taasi mar uun dhici doonto. Laakiin saacado kadib waa la tiray qoraalkaas. Inkasta oo aanay Itoobiya cudur-daar ka bixin hadalkaas, haddana waa ka saareen bogga uu wasiirka ku leeyahay X (ex-Twitter).

Wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya wuxuu noqday qofkii koowaad ee madax ah oo Itoobiyaan ah ee si toos ah u sheega arrinta aqoonsiga Somaliland.

Laakiin ka noqoshada hadalkii wasiirkaas waxay muujinaysa in aanay Itoobiya raadineynin inay xiisadda gobolka sii xoogeysato.

Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa kala hadashay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya in xiisadda gobolka la qaboojiyo, waxaa kale oo soo baxay dhawaan warar sheegaya in Turkiga iyo Qatar ay isku dayayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya xiisadooda xaliyaan.

Horey hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in hal bil ku aqoonsan doonto Itoobiya, laakiin ku dhowaad lix billood oo laga joogo waqtigii is-afgaradka la saxiixay qofkii koowaad ee arrinta aqoonsiga Somaliland ka hadlay wuxuu noqday wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya, kaas oo isla durba tirtiray qoraalkii la xiriiray aqoonsiga.

Arrintaan waxaa lagu fasirin karaa in aysan Itoobiya hadda ku dag-dageyn aqoonsi ay siiso Somaliland, oo ay taas bedelkeeda raadineyso qaab ay kula heshiin karto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo sii dhex-mareysa dowladda kale.

Ictiraafkii Somaliland ka sugeysay dhanka magaalada Addis Ababa ayaa hadda u muuqda mid sii liicaya, mana cadda waxa uga dagsan Muuse Biixi iyo maamulkiisa mar haddii Addis Ababa si aan qarsooneyn uga cago jiiday qodobkii aqoonsiga.