ITOOBIYA oo ku adkeysaneysa arrin yaab leh oo la xiriirta wada-hadalladii ANKARA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo marin la isku haleyn karo oo dhanka badda, taas oo ay kala jeedo wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara.

Itoobiya ayaa weli ku adkeysaneysa in Soomaaliya ay bixiso wax u dhigma is-afgaradkii Somaliland ay la gashay, si ay meesha uga saarto heshiiskaasi, oo dowladda federaalka Soomaaliya ay meel adag iska taagtay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Nebiyu Tedla oo shir jaraa’id qabtay ayaa carabka ku adkeeyay dadaalka ay Itoobiya waddo ee lagu xaqiijinayo marin badeed la isku haleyn karo, isaggoo dowladda Turkiga uga mahad-celiyay fududeynta wada-hadallada labada dal.

Wuxuu tilmaamay in labada dal ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkooda wareega saddexaad ee wada-hadallada, wuxuuna tilmaamay sida ay Itoobiya uga go’an tahay dadaaladda diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in Itoobiya ay soo gaarto badda caalamiga ah.

Wada-hadallada Ankara ee kusoo idlaaday natiijo la’aanta ayaa la doonayay in lagu xaliyo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana markale loo baahday in la aado wareeg saddexaad oo wada-hadal ah, si xal kama dambeys ah looga gaaro arrintaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu socday wada-hadalka dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Halka Itoobiya ay dooneysay in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan is-afgaradkaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Labada dhinac oo sida muuqata aad u kala fog ayaa markale wuxuu Turkiga ka shaqeynayaa sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa, si bisha soo socota ee September ay markale u wada-hadlaan.