ITOOBIYA oo sheegtay in go’aanka bixista ciidankeeda uusan quseyn Somalia keliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka hadashay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka, ayaa sheegtay in uusan jirin codsi rasmi oo dowladda Soomaaliya uga yimid oo arrintaasi la xiriira.

Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dhamaadka bisha December ee sanadkaan ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada waddan u dhaxeeya, oo xilligaan maraya meel xasaasi ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay inuu jiro codsi ay dowladda Soomaaliya uga dalbaneyso Itoobiya inay ciidankeeda ka saarto Soomaaliya, isaggoo sheegay in go’aanka ka bixitaanka ciidanka ee Soomaaliya uusan ka imaaneyn dowladda Xamar oo keliya.

“Howl-galka nabad ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya ma aha mid keliya khuseeya dowladda Soomaaliya waa masuuliyad caalami ah. Waa howl-gal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada-hadlaynaa waxna waa la iska weydiinayaa,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Itoobiya.

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaan kuu sheegay codsigu ma ahan mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddiise uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda nala saaray, beesha caalamka haddii ay danaynayso joojigaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda wax fudud ka tahay in ciidankooda ay soo celiyaan, ayna dejiyaan aag ka caagan dagaalka, balse ay marnaba Itoobiya cidna uga fasax qaadaneyn haddii arrimaha ka jira Soomaaliya ay halis ku noqdaan amniga qaran ee Itoobiya.

“Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada howl-galka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn howl-galkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya ayaa waxaa si adag uga horyimid madax goboleedyada ka taliya deegaanada u badan ee dalka ka joogaan waa Axmed Madoobe (Jubbaland) iyo Cabdicasiis Lafta-gareen (Koonfur Galbeed).