Itoobiya oo soo saartay digniin ku aadan xiisadda Khaliijka iyo arrin ka dhici karta Geeska Afrika

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijku uu degenaansho la’aan u keenayo Geeska Afrika.

Isaga oo baarlamaanka u jeedinaya khudbad laga baahiyay telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Hailemariam sheegay in Itoobiya ay rajaynayso in muranka lagu dhameeyo wada xaajood, isaga oo sheegay “in aysan su’aal ka taagnayn” in ay Itoobiya saamayn wayn ku yeelan doonto haddii uu gobolko qasmo.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalada ay Kuwayd ku doonayso in ay ku xaliso khilaafka.

Dalalka Geeska Afrika ayaa taariikh ahaan calaaqaad dhaqaale, mid milatari iyo mid siyaasadeedba la leh dalalka Khaliijka.

Waxaa sidoo kale gobolka mara Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay sii maraan maraakiibka shidaalka ka qaada Khaliijka ee u socda Yurub.

Bishii hore ayay ahayd markii ay Qadar ciidammadeeda kala baxday xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Eritrea iyo Jibuuti, arrintaas oo ay u badan tahay in ay sababtay ka dib markii ay dalalkani la safteen Sacuudiga markii uu soo if baxay khilaafka Qadar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com