Itoobiya oo soo saartay hadal uga sii dari kara xiisadda Soomaaliya – Muxuu yahay?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka joojin karta in dhaq-dhaqaaqyo ay ka sameyso gudaha Soomaaliya, xilli uu meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dal.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Nebiyu Tedla oo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa ku dooday in Itoobiya ay xaq u leedahay inay qaado tallaabo difaac, xitaa haddii ay tahay gudaha Soomaaliya.

“Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan,” ayuu yiri Nebiyu Tedla.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin, taas oo ula jeedo in Shabaab-ka saldhigtay gudaha Soomaaliya uu khatar amni ku yahay Addis Ababa.

Hadalkan ayaa uga sii dari kara xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan maraysa meel xasaasi ah, xilli ay fashilmeen laba wada-hadal oo Turkiga garwadeen ka ahaa, kadib markii ay dhinacyadu isfaham ka gaari waayeen arrimaha la isku hayo.

Sidoo klae waxa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay meel adag iska taagtay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Midowga Afrika, kadib marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada howl-galka ATMIS oo qeyb ka yihiin kuwa Itoobiya.

Sababta ugu wayn go’aankaas ayaa waxay tahay in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,” ayuu bishii June shaaciyay Xuseyn Macallin oo ah La-taliyaha amniga qaran ee Soomaaliya.