Itoobiya oo usoo jawaabtay Somalia, kuna kacday gef kale oo wayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa si adag ugu soo jawaabtay Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo shalay ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa labada dal.

Axmed Macallin Fiqi oo si gaar ah uga hadlayay farogelinta Itoobiya ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u haysato inay cilaaqaad la sameysato jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii ay sii socoto fara-gelinta Addis Ababa.

“Annagu hadda Itoobiya bur-burkeeda dooni mayno oo wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah waa waddo noo furan in aan cilaaqaad la samaysano jabhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu horay u  yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda,”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Nibyu Tesla oo gef wayn ku kacay, wuxuuna ugu horreyn wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka Fiqi, isaga oo intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan ka talin karin meel dhaafsiisan magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu liiday qaranimada Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid daciif ah, arrintan oo uga sii dareysa xiisadda haatan u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Waa wax lagu qoslo in wakiillada Shabaab oo iska dhigaya mas’uuliyiin dowladeed aan ka talin karin meel dhaafsiisan gobolka Banaadir ay aflagaadadoodan iyaga oo hoos jooga qaranimo daciif ah oo ay gadaal ka riixeyso nidaam dowladnimo dhexe oo qabiil ku saleysan. Dad noocaan oo kale waxay wiiqayaa horumarka ay sanadaha badan soo gaareysay Soomaaliya iyaga oo horseedi kara kala qob-qob” ayuu yiri Nibyu Tesla.

Tallaabooyinka ay qaadeen labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda haatan taagan ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy la galay maamulka Somaliland.