Aqriso: Dowladda Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay QM, codsina u jeedisay Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwo ka dhan ah dowladda Masar oo ay ku eedeysay ‘hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday oo iyaga ka dhan ah’ waxayna Itoobiya codsatay in Masar ay tixgeliso.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maanta warqad u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay.

Sida ku cad qoraalka uu diray Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Taye Atzik-Salase wuxuu dowladda Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn ee ku saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadii’da caalamiga ah.

Warqada ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor sidaan oo kale dowladda Masar u dirtay warqad kale.

Wasiirka arimaha dibadda Masar, Dr. Badare Abdulati ayaa warqad sidaan oo kale uu ugu diray madaxweynaha Golaha Ammaanka wuxuu ku sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah, si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha.

Sidoo kale warqadaas Masar waxay ku sheegtay in aysan si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance.

“Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay, si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay Masar u dirtay golaha Ammaanka, kaasi oo ka horeeyey kan maanta ay dirtay Itoobiya.

Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka, iyagoo midba midka kale uu eedeynayo, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii ay Masar ciidankeeda keentay Soomaaliya, taasi oo cabsi iyo walaac nadan ku abuurtay Itoobiya.

Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya, waxayna isku diyaarineysaa inay bedesho doorka howlgalka gudaha Soomaaliya, iyadoo bedeleysa ciidanka Itoobiya oo gabi ahaantiisba laga saarayo Soomaaliya.