Itoobiya oo xiisad wayn ka abuurtay gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya oo ka xun Masar ayaa haatan bilowday inay xiisad ka huriso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyada oo adeegsaneyso maamullada gudaha, taas oo dhabar jab weyn ku ah dowladda federaalka.

Arrintan ayaa si weyn loo dareemay saacadihii lasoo dhaafay, kadib markii dibad-baxyo lagu taageerayo ciidamada Itoobiya, laguna diidayo kuwa Masar lagu qabtay degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dibad-baxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa keentay xiisad horleh iyo inay ku kala qayb-samaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qaddiyaddan.

Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeedo Koonfur Galbeed oo habeen hore shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka horyimid qorshaha maamulka Laftagareen, waxayna sheegeen in shacabka ku dhaqan gobolka Bakool, looga faa’iideysanayo daruufo nololeed oo haysta.

“Shacabka u banaanbaxay Itoobiya ee Xudur ku nool waxay ku jiraan go’doon adag oo Khawaarijtu ay gelisay, waxaana talaabadaas ku qasbeysa cabsida ay qabaan, taasna waxaa u sabab ah joogitaanka sharci darrada ah ee Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Balaag oo akhriyey bayaanka.

Garab kale oo xildhibaanno ah oo iyagana kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa shalay warbaahinta la hadlay, waxayna taageereen qorshaha socda, iyaga oo sidoo kale ka digay in colaadda wabiga Nile loo soo rarao gudaha Soomaaliya.

“Haddaba annaga oo ogeyno walaaca iyo dareenka dadkeena ay ka qabaan iyo mas’uuliyad naga saaran amniga iyo xasiloonida waxaan si weyn diidanahay in colaadda caalamiga ah ee wabiga Nile oo u horseedi karo dagaallo ka qarxa mandiqa Geeska Afrika oo lagu hoobto waxyeelo soo gaarta dadka loo soo raro gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdinuur oo u jawaabay xildhibaannada taageeray Itoobiya ayaa nasiib darro ku tilmaamay, maadaama ay weli jirto xiisadda ka dhalatay kiiska badda.

“Maanta waxaan is leeyahay baarlamaanka hortiisa xildhibaanada qaar ee kasoo galay Koonfur Galbeed waxa ay ka sheegeen waxay ahayd wax la yaab leh Soomaaliya, Soomaalibaa leh Itoobiya oo aan ognahay baddeenna inay meel walba kasoo doc doceyneyso in ay dhahaan Itoobiya joogisteeda taageereynaa waa wax nasiib darro ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinuur oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay meel kasto oo aad joogtaan waa ujeedeen inta xildhibaan ee meesha soo istaagtay oo raalliga ka ah Itoobiya, isma lahayn aniga baarlamaanka hortiisa metalaaddii shacabka qaar kamid ah inay saas u hadlaayaan , waxaan leeyahay Itoobiya dalkaan nalama laha”

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa Villa Soomaaliya iyo waxa kasoo baxa shirka golaha amniga qaranka ee uu shalay iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si looga hadlo xaaladaha soo kordhay.