Ivanka Trump oo arrin yaab leh oo aan horey u dhicin ku dhaqaaqday

Hamburg (Caasimada Online) – Arrin aan hore u dhicin dhinaca diblumaasiyada ayaa gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ee Ivanka Trump ka qayb gashay kulanka wadamada G20 mar lagaga hadlayey arrimo la xidhiidha Afrika iyadda oo mataleysa aabaheed.

Kulankan oo qabsoomey subaxnimadii shalay ayaa shiishka lagu saarey muhaajiriinta iyo caafimaadka,

Sawir uu mas’uulka shirka uga qayb galay Ruushku uu dhigey bartiisa tweeterka ayaa waxa ka muuqata Ivanka Trump oo fadhida meel u dhaxaysa madaxweynaha Shiinaha Shii Jinbing iyo raysal wasaaraha Britain Mrs May.

Aqalka cad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta qof aan la dooran, isla markaana ah gabadhii Madaxweynuhu ay ugu fariisatey kursigii Madaxweynaha iyada oo dhinac fadhida hoggaamiyaasha caalamka. Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Ivanka ay fadhidey gadaal, laakiin markii Donald Trump uu banaanka u baxay si uu ula kulmo hoggaamiyaal kale ay iyadu sii fariisatey.

Kulanka Trump isaga abxay ee Gabadhiisu u meteshey, ayaa looga hadlaayey Afrika, taas oo la is weydiinayo siyaasadda Trump ee Afrika heerka ay taagan tahay.

Ivanka Trump ayaa canbaareyn kala kulantey falka ay ku kacdey waxaana baraha bulshada is qabsadey in qof aan la dooran uu metalayo dalkii ugu awooda iyo dhaqaalah weynaa dunida.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII