Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen Madaxda ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ASU ayaa waxay cabasho xoogan uga muujiyeen tallaabooyin uu kula kacay maamulka gobolka Banaadir.
Qoraal ay soo saareen madaxda ururkaas kadib kulamadii ay yeeshen ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiisyada Canshuuraha Berriga degmooyinka gobolka Banaadir uu sameeyay xad-gudub ka dhan ah macalimiinta ku shaqeynaysa duruufaha adag iyo qaar kamid ah goobaha waxbarashada.
“Iyada oo aaney jirin shuruuc si cad u qeexeysa xuquuqda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed iyo waajibaadka laga rabo, ayaa waxaa soo gaaray Xarumaha Jaamacadaha amar kasoo baxay Xafiisyada Canshuuraha Berriga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dalbanaya in ay soo gudbiyaan gunada ay qaataan macalimiinta si looga jaro canshuur. Waxa uu macalinku ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo dhowr xarumo waxbarasho si uu u daboolo baahidiisa dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Sida aad la socotaan burburkii kadib, waxbarashada dalka qeybaheeda kala duwan waxay ku aasaasmeen si is-xilqaan bulsho ah, iyadoo maanta la dareemi karo miraha dadaalka bahda waxbarashada iyo kaalinta ay kaga jiraan dib u dhiska dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.”
Sidoo kale wuxuu Ururka ASU si weyn u cambaareeyay afar hab dhaqan oo uu sheegay inay ku kaceen ciidamo yimid goobaha Waxbarashada, ayaga oo fulinaya amarka maamulka gobolka, kuwaasi oo kala ah;
- La soo galid hub goobaha waxbarashada.
- Handadaada iyo caga-jugleynta howl-wadeenada goobaha waxbarashada.
- Xarig lagula kacay howl-wadeenada goobaha waxbarashada.
- Xirida xarumaha waxbarashada iyadoo ay socdaan howlihii waxbarasho ee loogu adeegayay bulshada Soomaaliyeed.