Jabuuti oo arrimo xasaasi ah ka shaacisay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo wada-hadallada hadda u bilowday.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan wada-hadallada u socda Addis Ababa iyo Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, balse aysan dhicin isaga oo sababta ka gaabsaday.

Sidoo kale wuxuu rajo xumo ka muujiyay wada-hadallada Ankara ee markii labaad fashilka kusoo dhammaaday, wuxuuna xusay in aanu Turkuga ku guuleysan doonin xalinta xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa carabka ku adkeeyay in xalka uu ku imaan karo in mid kamid ah labada dowladood ee is haya ay ka tanaasusho mowqifkeeda.

“Waxaan isku-daynay in aan wadahadal u qabno Soomaaliya iyo Itoobiya balse ma dhicin mana sheegayo sababta. Turkiga isagana kuma guuleysan doono. Xalka waxa uu ku jiraa in labada dal midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay lagu kala tegay shirkii Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo soo idlaaday natiijo la’aan, waxaase lagu ballamay in mar kale lagu isugu yimaado wareeg 3-aad oo dhacaya bisha soo socota.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.