Xog: JABUUTI oo jawaab ka sugeysa Itoobiya xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markale ku celisay inay doonayso in Itoobiya 100% ay maamusho dekedda Tadjoura ee xeebta dalkaasi, si xal looga gaaro xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa mar uu ka hadlayay shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika in madaxda Itoobiya ay ka sugayaan jawaab la xiriirta qorshahan ay Jabuuti miiska soo saartay, si xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya xal looga gaaro, taas oo u muuqata mid kasii dareysa.

Wasiirka ayaa rejo wanaag ka muujiyay in Itoobiyaanka ay aqbalaan dalabka Jabuuti ee inay la wareegto dekedda Tadjoura, si xal kama dambeys ah looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii uu isla wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti caddeeyey in Jabuuti ay doonayso inay Itoobiya si dhameystiran u maamusho dekedda Tadjoura ee xeebta Jabuuti.

“Waxaan ku jirnaa duufaanta, waxaana isku dayeynaa inaan ku dadaalno sidii aan u caawin lahayn dalalka sida Suudaan oo kale ah iyo sidoo kale inaan isku dayno inaan dhimno xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Dalabkan ay Jabuuti ku sheegtay mid ay ku damineyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa dhanka kale waxaa fahamsan yahay in xukuumadda Geelle ay dooneyso inay si rasmi ah u hanato Itoobiyaanka, oo haddaba uu suuqooda ku tiirsan yahay dekedda Jabuuti.

Si kastaba, dalabkan oo haddey aqbasho Itoobiya soo afjari kara xiisadda ka dhalatay damaceeda badda Soomaaliya, ayaa u muuqda mid aysan ku deg-degi doonin, maadaama la fahamsan yahay inay rabto dhul badeed ay milkiso ee aysan u socon deked ay kireysato ama saami ku yeelato.