Dowladda JABUUTI oo si adag ugu jawaabtay MUUSE BIIXI, digniin culusna siisay

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii uu ujeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, taasi oo uu ku sheegay in Jabuuti ay marti-galineyso jabhad kasoo horjeeda maamulkaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay la-yaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay waddamo kale.

Eedeyntan ayay gebi ahaanba beenisay dowladda Jabuuti, ayada oo ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad toona laheyn, iyaddoo sheegtay in Jabuuti ay ka shaqeyso nabadda gobolka oo aysan kicin xasaraddo.

Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo arrintaan uga jawaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu eedeyn culeyskaan leh u jeediyo Jabuuti.

“Waxaan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wada-jirka iyo is dhex-galka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno,” ayuu Wasiir Ilyaas ku yiri qoraalka.

Dowladda Jabuuti ayaa ku faantay in aanay marnaba dhex-gelin arrimaha gudaha ee jaarkooda, wuxuuna wasiirka uga digay madaxweyne Biixi iyo maamulkiisa in Jabuuti kusoo lifaaqan xasaradaha gudahooda ka taagan.

“Sidaas awgeed fadlan Jabuuti ha dhex-galinina siyaasadihiina guddaha ama ajendayaashiina, xasuuso shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland gacan ka siinay dagaalkii gobolka SSC,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin madaxda maamulka dibad-wareega ee la baxay Awdal State, kuwaasi oo halkaasi ku qabsaday xaflad, taasi oo ay hanjabaad uga soo direen maamulka Somaliland.

Sida muuqata xiriirka Somaliland iyo Jabuuti oo wanaagsanaa sanadihii lasoo dhaafay ayaa hadda xumaaday kadib heshiiskii badda ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaasi oo dowladda Jabuuti ee horkacayo Geelle u aragto khatar dhaqaale, maadaama ay lacag adag ka hesho adeegsiga Itoobiya ee dekeddeheeda.