James Swan oo la kulmay Aadan Madoobe xilli buuq ka taagan yahay barlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo Swan uu ku wehlinayay ku-xigeenkiisa ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horu-tabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka.

Ergeyga ayaa dhankiisa guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka.

Ugu dambeyntiina guddoomiye Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay taageeradooda Soomaaliya joogtada ah.

Waxaa uuna tilmaamay guddoomiyaha in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmayal ay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka Swan iyo Aadan Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli buuq badan ka taagan yahay baarlamaanka, ayada oo xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshe ay Villa Somalia usoo dhiibtay guddoonka, kaasi oo la rabo in lagu meel-mariyo sharciyo ay qeyb ka yihiin kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu guda jiro kal-fadhiga 5-aad, kadib markii horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayey xildhibaannada mucaaradka ugu baaqeen inuu kasoo baxo jeebka Villada, oo ay ku eedeeyeen inuu ku jiro, iyagoo uga digay inuu golaha usoo waarido qorshaha uu muranka badan ka taagan yahay.