Jawaab la’aanta Itoobiya ee yaboohii Jabuuti oo muujinaysa damac halis ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhawaan dowladda Jabuuti ayaa ugu yaboohday dowladda Itoobiya inay siinayso deked ay si buuxda u maamushaan oo xigta dhanka xadka Jabuuti ay la wadaagto Eritrea, si loo soo afjaro khilaafka gobolka xasillooni darrada galiyay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareysi ku sheegay ballan-qaadkan, wuxuuna raaciyay inay sababta tahay sidii loo kala bad-baadin lahaa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Balse yaboohaasi qaaliga ah illaa hadda kama soo jawaabin dowladda Itoobiya, sidoo kale Itoobiya ayaa horey u diiday inay qaadato saami 19% ah oo laga siiyay dekedda magaalada Berbera sanadkii 2018, markaas oo maamulka dekedda lagu wareejiyay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World.

Inay Itoobiya diiday inay qaadato saamiga laga siiyay dekedda magaalada Berbera, haddana ay ka aamusto dalabka dekedeed ee uga yimid dowladda Jabuuti waxay muujineysa in aysan Itoobiya raadineyn marin ganacsi.

Sida iska cad Itoobiya laba hadaf ayey leedahay, mid waa deked ay toos u yeelayo iyo midda labaad oo ah saldhig ciidan, waana midda keentay in aanay kasoo jawaabin farriinta Jabuuti, sidoo kalena aanay qaadan saamigii ganacsi ee laga siiyay dekedda Berbera.

Dekedda ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya waa fahamsan tahay Addis Ababa in aysan toos u qaadan karin balse ay tahay mid ganacsi, sidoo kalena aanay ka dhigan karin saldhig ciidan.

Maamulka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida waa inay tani baraarug ku ridaa. Ciddii maanta Itoobiya u fasaxda biyaha Soomaaliya waa hubaal in aanay berri ka kicin karin.

Yabooha dekedeed ee ka yimid Jabuuti wuxuu sii fashiliyay qorshaha Itoobiya. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu fagaareyaal badan ka sheegay in 120 milyan ee Itoobiyaanka ah inay xaq u leeyihiin inay helaan bad ay ku ganacsadaan.

Laakiin hadda si fudud ayey Jabuuti u tustay caalamka in uusan hadalka Abiy Axmed sax aheyn oo doonistooda ganacsi ku eekeyn.

Xiisada u dhaxeysa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli taagan, waxaana la filayaa in bartamaha bishaan inay markale labada waddan isku arkaan magaalada Ankara ee waddanka Turkiga, xilli aanay wax weyn oo macno leh kasoo bixin wejiyadii hore ee wada-hadallada.