Jawar Mohammed oo ka jawaabay hanjaabada Abiy iyo xiisad ka taagan Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Jawar Mohammed, oo ah nin u dhaqaaqa arrimaha qowmiyadda Oromada dalka Itoobiya, ayaa jawaab ka bixiyey hanjaabaddii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed u jeediyey xisbiyada mucaaradka, xilli la isku hayo doorashada Itoobiya ee dib loo dhigay.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo u hanjabaya dadka diidan dib u dhigista doorashada, ayaa goor sii horreysay oo maanta ah wacad ku maray in cid kasta oo isku dayda inay go’aankaas ka hor-timaada laga qaadi doono tallaabo.

“Cid kasta oo doorasho aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri.

Jawar Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa hadalladdii ugu dambeeyey ee Abiy ku qeexay “hanjaabad aamusin ah iyo hanjabaad cabsi gelin ah.”

Waxa uu sheegay in hanjabaadda Abiy Ahmed ay tahay mid aan la aqbali karin, islamrkaana aan waxba soo kordhineyn.

“Ma jirto cid tiri waxaan dooneynaa inaan awoodda ku qabsano si aan dastuuri ahayn. Xaqiiqdii waa isaga [Abiy Ahmed] iyo xisbigiisa cidda taas iminka sameyneysa,” ayuu yiri Jawar Mohammed.

Hanjabaadda Abiy ayaa timid kadib markii Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ay sheegtay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyinka.

TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.