Jeneraal Indha-Cadde oo war culus kasoo saaray dagaallada ka socda GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo badan oo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug.

Ugu horreyn Jeneraal Indha-Cadde ayaa wax laga xumaado ku tilaamay dhiigga walaalaha ee ku daadanayo gobollada dhexe ee dalka, isaga oo ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya ay ka cabsadaan Alle SWT.

Sidoo kale wuxuu beelaha is diriraya ka dalbaday inay xabadda joojiyaan oo wax kasta ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka, si looga hortago inay sii fogaato colaaddaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka walaalaha ah inay iska daayaan dhiigga daadanayo waa arrin dhib badan waa arrin xun aayaha iyo nolosha mid adduun iyo mid aakhiro ku xun, sidaas aawgeed waxaan leenahay Ilaahey ka baqa” ayuu yiri Jeneraal Indha-Cadde.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kitaabka Ilaahey ku dhaqma qofkii qof dila sharciga hala horgeeyo waxa uu ka helo ha qaato oo dariiqaas hala maro”.

Dhinaca kale waxa uu farriin culus u diray hoggaanka Galmudug, isaga oo ugu baaqay inay farogeliyaan dagaalladan kusii baahaya deegaanada maamulkaasi, si aysan xaaladda usii adkaan, wax kastana aysan fara uga bixin.

“Galmudug waxaan leeyahay in meel ay nabad noqoto, meelna dab ka shidmo way adag tahay, waxaad la socotaan inta meel uu dagaalka ka socdo Galmudug, waxaan ugu baaqeynaa dadka dagaalamaya inay dagaalladaasi joojiyaan waxba kama faa’iidayaan” ayuu mar kale yiri Indha Cadde.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay iska kaashanayaan madaxda sare ee maamulka Galmudug iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo maleeshiyaadka dagaalamayola oo haatan lagu guuleystay in la kala dhex dhigo ciidamo, si aysan mar kale ugu dagaalameen gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.