Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somalia xilli la isku mari la’yahay shirka

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka dambeyso dacaayado ka dhan ah madaxda qeybta ka ah shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho.

Agaasimaha xiriirka dadwaynaha iyo madaxtooyada ee maamulka Jubalanad Maxamed Xasan Xiis ayaa eedeynta u jeediyay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sheegay in masuuliyiinta Villa Somalia ay lacag ku bixinayaan arrintaan.

“Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenan kala aragti duwananta jirta iyadoo agaasimahadii warfaafinta iyo xafiiskaagu ay lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,” ayuu yiri agaasime Maxamed Xiis.

Tan ayaa imaaneysa iyada oo aysan weli wax natiija ah kasoo bixin shirka Muqdisho uga socda madaxda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, uuna maanta galay maalintiisi shanaad.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lasoo warinaya inuu haatan ku adkeysanaya in hanaanka doorashooyinka qof iyo cod aanu suurta-gal ahayn in laga qabto Soomaaliya iyadoo aan heshiiska laga soo qeybgalin Puntland iyo Khaatumo.

Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad-goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka

Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad-goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Lafta-gareen iyo Qoor-Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan.