Jubbaland oo gubtay indha-shareerkii u badnaa, soona saartay awaamiir culus

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland oo gacanta ku dhigay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo, ayaa meel fagaaro ah ku gubay.

Taliska Booliska magaalada ayaa sheegay inay xabsiga dhigi doonaan ayna  ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xiran indho shareer, sababo la xiriira cabsi laga qabo in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex dhuuntaan oo ay weeraro geystaan.

Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xaafadaha magaalada Kismaayo ka sameenaya howl-gal lagu mamnuucayo xirashada indho shareerka, iyada oo horay looga soo saaray awaamiir lagu joojinayo xerashada niqaabka haweenka.

Warsame Axmed Geelle oo ah taliyaha ciidanka booliska Kismaayo ayaa sheegay in la soo afjaray niqaabka, isaggoo tilmaamay in hindisahan looga gol leeyahay in laga hortago in dambiilayaasha la baadi goobayo ay ku qariyaan wajiyadooda indho-shareerka.

Maamulka ayaa markale ku celiyay mowqifkeeda ka dhanka ah niqaabka, iyada oo gebi ahaanba Kismaauo laga joojiyay xirashada indho-shareerka matkii taariikhdu aheyd 31 July, 2024, si loo adkeeyo amniga magaalada .

Jubbaland ayaa ka digtay in haweenka lagu qabto niqaabka ama si buuxda u daboolaya wajiyadooda ay la kulmi doonaan ciqaab dhanka sharciga ah, oo ay ku jirto xabsi ama ganaax.

Si kastaba, ciidamada booliska ayaa howl-gallada ka dhanka ah niqaabka sidoo kale ku tegay suuqyada lagu iibiyo, kuwaasi oo ay kasoo aruuriyeen indho-shareer aad u badan, oo qeyb ka ahaa kuwii maanta lagu gubay meel fagaare ah.