Ka dib 1988 – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Afar iyo Labaatanaad

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxaabbiistii 77 markii dalka lagu soo celiyay 1988 waxaa loo soo dhoweeyay si sharaf leh.  Sida ugu sarreysa ee Qarannimo ayaa loo soo dhoweeyay.

Nin ka mid ah saraakiishii Xabsiga Ethiopia laga soo daayay, wuxuu ii sheegay in markii uu dayaaradda ka soo degayay ay indhihiisu qabteen aabbihiis oo la taagan Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Bal qiyaasi farxadda uu muuqaalkaasi ku dhalin karo nin naf ka samray oo ku dhowaad kow iyo toban sano xabsi ugu jiray ciidan uu la dagaallamay.

Maxaabbiista waxaa la dejiyay xerada Xalane.

Muddo markii ay halkaa ku jireen ayay qaadeen tallaabo ay dhiirri weyni ka muuqato.

Maalin ayay isa soo raaceen oo ay waddada cagta saareen.  Waxay ahayd  wax aan berigaas shacabka iyo shaqaalaha Dowladda aan midna ku dhicin.  Ciidan warkiiba daa.

Waa bannaanbax cabasho ah.

Waxay ka sheegteen daryeel la’aan.  Waxay ka cabanayaan in  Xalane lagu illoobay.

Markaas ayay qaddiyadda Maxaabbiistu mar kale ay dibadda u soo baxday.

Arrintaasi waxay kalliftay in ay Madaxda Sare ee Qaranku ay hoos u dhugtaan xuquuqda nimanka dalka u dagaallamay.  Xabsi u galay ayada oo qaarkood uu dhaawac ku yaal.  Ku dhowaad kow iyo toban ama ka badan ku jiray xabsi shisheeye.

Cabashadoodii marka la dhegeystay Dowladdu waxay qaadatay tallaaboyin.  Sarkaal raggaas ka tirsanaa oo aan dhowaan telefoon kula xiriiray ayaa ii faahfaahiyay tallaaboyinkaas. Wuxuu ii sheegay in Maxaabuus kasta la siiyay dhul cabbirkiisu yahay 20 mitier oo dherer ah iyo 20 mitir oo ballac ah.

Waxaa laga siiyay agagaarka Km 13 waddada Afgooye.

Nin maxaabbiistaas ka mid ah wuxuu ii sheegay in dhulkii uu hadda qilqiil ku jiro oo ay soo baxeen dad doonaya in ay la wareegaan oo ay qaataan.

Xalane Ka dib

Waxaan ciidankaas qaar ka mid ah kula kulmay degaanno kala duwan intii aan u shaqeynayay ICRC iyo ka dib BBC hadda inta aan taxanaha wadayna qaar hor leh ayaan helay xiriirkooda.

1990 Berbera waxaan maalin ku arkay nin sarkaal ah oo isugu keey sheegay in uu ka mid yahay maxaabbiistii ay ICRC ka soo qaadday Dire Dawa.  Wuxuu igu yiri markii aan Dire Dawa ka soo baxaynay maxaabbiis aan badneyn ayaa diiday in dalka lagu soo celiyo.  Annaguse waan sugi la’ayn inta dalka aan ku soo laabaneyno.  Hadda waxaan u arkaa in kuwii diiday in ay soo laabtaan ay iga nasiib badnaayeen.

Maxaa dhacay markii aan weydiiyay, wuxuu ii sheegay in uu ku jiro dagaal aanuu raalli ka ahayn.  Haddii uu diidana uu isaga dil mudan karo.

Hargeysa mar aan joogay aniga oo BBC ka socda, nin ayaa igu soo orday oo furfuray waraaq duug ah oo sida qardhaas ama xersi uu dhowr jeer isku laabay.  Waxaa ku qornayd in uu ka mid ahaa maxaabbiistii dagaalka ee ay ICRC ka keentay Ethiopia.

Hadda ka hor aniga oo jooga New York ayaan la xiriiray Qardho oo aan baadi goobay Batun oo madaxeyga ku taagnayd tan iyo waagii aan aniga iyo Beatrix ugu tegnay Qardho.  Socdaalkii berigaa ee Qardho iyo Boosaaso Qaybta Laba iyo Tobnaad ee Taxanaha ayaan uga hadlay.  Walaalkeed oo aan berigaas uga war keennay in uu ku xiran yahay Ethiopia ayaan doonayay halka uu ku dambeeyay in aan ogaado.

Batun farriinta ay ii soo fartay waxay ahayd in ay aad u xusuusato maalintii aan u warkeennay.  Nasiib darro waxay igu wargelisay in uu walaalkeed geeriyooday.  Allah ha u Naxariisto.

Taxanahan intii aan waday waxaan helay xog hor leh oo ku saabsan maxaabbiista iyo dadka aan magacyadooda soo qaaday qaarkood.

Qaybta Saddexaad ee Taxanaha waxaan ku soo qaatay Suleymaan iyoWalaalkiis. Akhriste ay Suleymaan walaalo yihiin oo berigii Maxaabbiistana ay labada oo wada socdaa igu soo booqdeen Xafiiska ICRC ayaa igu soo wargeliyay in saaxiibkeey Suleymaan uu geeriyooday.

Walaalkii oo maxaabbiista ka mid ahaa waxaan warka ku helay in uu dalka dibaddiisa ku nool yahay.

Isu geyn, intooda nool ma jirto cid ka warqabta iskaba daa in ay daryeel helaan.

Ethiopia

Marka aan barbadhigay Maxaabbiistii Ethiopia ee 1988 laga sii daayay Soomaaliya, inkasta oo aanan aad uga warqabin, ugu yaraan waxay leeyihiin Urur ayaga u taagan – ciidan iyo rayidba.

Sannadkii 2012 ayaan ka warhelay Symposium hal maalin ah oo ay wadajir u qabanqaabiyeen Ururka dhibbanayaasha Dagaalkii 1977 ee Ethiopia iyo Soomaaliya iyo Hey’adda ICRC.

Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la qiro waxa ay mareen Maxaabbiistii Dagaalka ee Ethiopia iyo Maxaabbiistii Rayidka ahayd oo labaduba u xirnaa Soomaaliya.

Madaxii ICRC ee Ethiopia ee xilligaas, Peter Stocker*, ayaa ka mid ahaa dadkii hadalka ka jeediyay.

Wuxuu sheeegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in ay munaasabaddu noqoto mid ku wajahan in loo qiro qaddarinta iyo daryeelka ay mudan yihiin dadka rafaaday intii ay xirnaayeen iyo ka dib labadaba.

Aniga, khibraddeyda kooban waxay i bareysaa in qayb weyn oo waxtar u leh dadka muddo intaa le’eg xirnaa ay tahay in laga dhegeysto waxa ay soo mareen iyo dareenkoodu waxa uu ahaa ama uu hadda yahay.  Waa haddii sida Fyodor Dostoyevsky markii Siberia laga soo daayay iyo duuliyihii kuubbaanka Orlando Cardoso Villavicencio markii laga soo daayay Laanta Buur, aan qalbiyadoodu xirmin oo aan dareenku ka suulin waxa ay soo mareen dartood.

 ———————

 *Peter Stocker, waa khabiir aan in badan soo wada shaqeynay.  Waxaan si dhow ula shaqeeyay sannadihii 1989 iyo 1990.  Wuxuu ahaa mas’uulkii horseedka ka ahaa hirgelinta iyo ka shaqeyseeinta Isbitaalka Qalliinka dhaawacyada Dagaalka ee ICRC ee Berbera.  Sidoo kale wuxuu horseed ka ahaa tegitaanka iyo ka howlgalidda ICRC ee Hargeysa, Burco, Borama, Ceerigaabo, Sallaxleey iyo Ceel Af Weyn sannadihii 1989 iyo 1990.  Labada goobood ee dambe waxaa haystay Jabhadda SNM.  In ICRC ay Dowladda Soomaaliya ka hesho oggolaasho ay ugu duuli karto Sallaxleey iyo Ceel Af Weyn si ay howlo samafal ah uga fuliso waxaa loo galay dadaal badan oo caqabado la kulmay laakiin akhirkii lagu guuleystay.

Wuxuu kale oo horseed ka ahaa howlihii ay ICRC ka fulisay dalka Soomaaliya markii ay burburtay Dowladda Soomaaliya.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimadalive.com