Kaamirooyinka qarsoon ee lagu xiray Muqdisho ma yareeyeen dhaca mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hor soo rogtay amar ah, in goobaha ganacsiga ee ku yaala waddooyinka iyo suuqyada lagu xiro Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV si la mid ah Guryaha ay dagan yihiin dadka shacabka ayaa la faray in lagu xiro Kaamirooyinka.

Amarkaan ayaa dowladda Soomaaliya ku micneysay in lagu sugayo amniga caasimadda, kaalin uu ka qaadanaya badqabka Ganacsiga iyo Muwaadinka, kuwaas oo la kulma dhac, dil iyo dhaawac oo ay geysanayeen dad aan la aqoon heybtooda.

Inta aysan soo rogin amarkaan dowladda Soomaaliya ayaa Hay’adda NISA waxa ay Kaamirooyin ku xirtay dhammaan Isgoysyada magaalada Muqdisho, taas oo sahashay in la raadraaco falal amniga liddi ku ah kuwaas oo ka dhacay Caasimadda.

Askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda ciidadama qalabka sida, ka gadaal markii ay geysteen falal liddi ku ah amniga caasimadda, Xeer ilaalinta ayaa dacwadda Askartaan waxa ay marag ugu dhigtay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, si la mid ah waxaa maxkamadda ka soo muuqday rag lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo Caasimadda ka fuliyey dilal qorsheysan iyo Qaraxyo.

Mid ka mid ah Aqoonyahaannada ku nool magaalada Muqdisho ayaa aragtidiisa sidaan ku cabiray, “Dowladda Soomaaliya waan ku bogaadinayaa tallaabada ay qaadeen ee ah in magaalada Muqdisho lagu xiro Kaamirooyinka, waad aragtaan maxkamadda waxaa ka soo muuqday rag dhac u geysanayey dhallinyarada magaalada oo ah ubixii dalka, hadda waxaa aan maqlay in xaafadihii lagu xiray, waan tallaabo wanaagsan.”

Sidoo kale Shacabka Muqdisho oo aan wax ka waydiinaya aragtidooda ku aadan Kaamirooyinka, mid ka mid ah ayaa sidaan u aragti dhiibtay, “Moobilkaan aad u jeedid Kaamirad ayaa lagu soo badbaadiyey, Xaafaddeyda afarta gees Kaamiro ayaa ku xiran.”

Bilowga Xiritaanka Kaamirooyinkaan Ganacsatada Muqdisho ayaa caqabad kala kulmay, qaar ka mid ah goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha ayaa la qarxiyey, iyada oo halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, taas oo markii dambe sababtay in ganacsatada suuqa ay xiraan goobaha ganacsiga.

Isha: Mustaqbal