Kadib hadalkii Saciid Deni, Puntland oo shaacisay nooca wada-hadal oo ay dooneyso

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa mar kale ku celiyey in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal ay la galaan dowladda federalka ka dib wada shaqaynta labada dhinac oo gaartay heer xun. 

Wadahalka ayuu Madaxweyne Deni sheegay inuu noqonayo mid ah madal furan oo lagu garnaqsado ayna doonayaan inay cid walba ka qayb galaan. 

Hadalkaas ayuu ka sheegay xilli uu kulan casho la yeeshay ergooyin kala duwan oo maalmahan Garoowe kaga qeyb galayey shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato xarunta cilmi-baarista ee PDRC. 

Maamulka Puntland ayaa horraan u sheegay inay gooyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen dowladda federalka markii barlamaanka Soomaaliya isbeddello ku sameeyey qaar ka mida qodobbada dastuurka.

Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan oo isbaddel ka muuqdo Madaxweyne Deni. 

“Waxaad mooddaa in wax badan oo is biirsaday ay arrintan keentay marka ugu horreysa waxa weeye dhammaan reer Puntland ha ahaato ama Soomaali fara badan ha ahaato ama beesha caalamka ha noqoto, waa qasab baad mooddaa aragtida dhisantay shirar badanuu Deni galay tallooyinku ma yara waxay maraysaa ummadda Soomaaliyeed maanta mowqif loo baahan yahay in wax badan la xeeriyo Soomaaliya marxaladda ay ku jirto inay qayb ka tahay arrintan in maanta Deni yiraahdo in meel fagaare kula hadlo madaxda heshiisna uu ku baaqo,” ayuu yiri Gurey.  

Muxuu wadahadalkani kaga duwan kuwii hore?

Sida uu sheegay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur, wadahadalka ayaa ah mid ay Puntland doonayso in gole furan ay ku garnaqsadaan balse ay horreyba u sheeegeen inay wada hadal diyaar u yihiin. 

“Dadka Puntland iyo mamaulkooda oo madaxwyenuhu ugu horreeyo waxay marwalba diyaar u ahaayeen taarikhiyan isku soo dhawaansha, danta dadka Soomaaliyeed oo meel looga soo wada jeensado gaar ahaan xilliyada ad-adag. Ayay haddana diyaar u tahay inay gogoshaas fidiso oo aayaha dalka la wada tashado,” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax.

Mar la waydiisay cida ka qayb galaysa wadahadalan ay ku baaqeen Puntland iyo waxa ay kaga duwan yihiin kuwii la midka ahaa ee horrey madaxdoodu u sheegay inay wadahalo diyaar u yihiin.

“Waxa cusub waa in ummadda Soomaaliyeed uu u soo bandhigay oo yiri dadka Soomaaliyeed qayb ha ka qaateen aqoonyahanka, siyaasiyiinta, u dhaqdhaqayaasha, culimada, ganacstada Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu hadda u soo bandhigay inay gacanta la galaan,” ayuu intaa ku daray Cabdifitaax.

Balse Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo horreyna murashax madaxweyne Puntland soo noqday ayaa qaba in culaysyada waxgaradka gudaha ee Puntland iyo beesha caalamka ay halkan soo gaarsiiyeen wax badan.

Mar la weydiiyey wasiiru dowlaha golaha ay doonayaan in lagu wada hadlo cida ka garnaqaysa kuwa ay yihiin Soomaali iyo shisheeya ayuu yiri, “waa arrin farsamo marka wada xaajood la samaynayo laakiin hadda ka hor dhacayo waxa waa iska farsamo. Laakiin mabda’u waa wadahadalkii diyaar loo yahay.” 

Puntland ayaan ka qayb galin dhowrkii shir ee ay yeesheen madaxda wadatashiga Qaran oo ka dhacay Muqdisho, sababta madashaas ay ugu garnaqsan waayeen la weydiiyey wasiiru dowlada Madaxtoyada Puntland Cabdifitaax wuxuu sheegay “inaysan jirin wax la taaban karo oo ka soo baxay.” 

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Garoowe gaaryey wufuud ka kala socota beesha caalamka oo kulamo la qaadanayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni. 

Sida uu qabo Dr. Gurey, waxaa suura gal ah in kulamadaasi ay wax ku biiriyeen in Puntland ka soo dhawaato sidii hore. 

Puntland iyo dowladda federalka ayaa xiriirkoodu xumaaday bilo uun ka dib mudda-xileedkeeda.