KASHIFAAD: Sida uu CABDI WELI xilka R/W ku helay iyo 7 arrin oodan ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ma aysan fileyn in Cabdi Weli Sheekh Axmed loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha Somalia, balse siyaasadda ayaa mar waliba waxaa ugu nasiibka badan kuwa aan xisaabta ku jirin.

Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan sidii uu ku yimid go’aanka Cabdi Weli Sheekh Axmed lagu doortay ee uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn, marka la eego taariikhdiisa, aqoontiisa iyo waxqabadkiisii hore, marnaba shaki kuma jiro inay yar yihiin dadka Mr. Cabdi Weli ka mudnaan lahaa xilkaasi in loo magacaabo, balse aan is weydiino sida wax u dhaceen?

Sida inta badan warbaahinta aad kala socoteen maalmihii dhowaa, saadaasha ayaa u badneyd in la magacaabi lahaa Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xitaa madaxweynaha uu ku wargeliyey beeshiia inuu go’aankiisa sidaas yahay, ayna ku taageeraan.

Go’aankii madaxweynaha uu ku magacaabay Cabdi Weli iyo waqtiga uu dhacayba waxaa uu ahaa kaliya mid ku dhacay laba maalin gudahood.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, madaxweynaha ayaa talaadadii ku war-geliyey saaxiibkiis iyo hogaamiyaha kooxda Damul Jadiid Faarax Cabdul Qaadir inuu doonayo inuu magacaabo Goonjeex.

Markaa kadib, ayaa sida xogtu leedahay Faarax Cabdul Qaadir uu taas ku gacan seeray, isaga oo madaxweynaha u sheegay in haddiiba go’aankiisa uu yahay inuu jagadaas siisyo beesha Mareexaan inuu hayo qof aan looga mudneyn.

Ka hor go’aanka madaxweynaha, ayaa labada nin waxay ay isku maandhaafsanayaan Goonjeex oo madaxweynaha uu jeclaa iyo Xuseen Cabdi Xalane oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen oo Faarax uu doonayey, balse markii madaxweynaha uu ku adkeystay Goonjeex, ayuu Faarax la yimid qorshe cusub.

Waxa uu madaxweynaha ka dhaadhciyey inay badan yihiin fursadaha ay isaga hor imaan karaan isaga iyo Goonjeex iyo kooxda Dam Jadiid, sidaa darteedna uu xilka siiyo Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ka mid ah aas aasayaashii hore ee kooxda Damul Jadiid, si xaandeebkooda aanay cid kale usoo dhex galin.

Maalintii arbacada ahayd ayaa Faarax iyo Xasan qaateen go’aanka loogana yeeray Cabdi Weli dalka dibeddiisa, si uu Muqdisho u yimaado, jagadana loogu magacaabo.

Caasimada Online, ayaa heshay sawir muujinaya in shalay subax oo khamiis ahayad un uu yimid Cadbi Weli Muqdisho, dhowr saac kadibna loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Somalia, waxaana Sacuudiga kasoo waday wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Somalia Maxamed Nuur Gacal, oo ka mid ah xubnaha sare ee Damu Jadiid.

Cabdi Weli oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde, Khamiis 12-ka December
Cabdi Weli oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde, Khamiis 12-ka December

Rumeyso ama ha rumeysan ,xittaa ma dhicin wax wareysi ah oo madaxweynaha uu la yeeshay Cabdi Weli, marka laga reebo is arag iyo is-barasho guud oo saacado ka hor ku dhex martay Villa Somalia, inta aan la magacaabin.

Cabdi Weli ayaa si aad ah ay isku yaqaanaan, islamarkaana ay dhowr hay’adood ka wada shaqeeyeen Faarax Cabdul Qaadir, sidaas ayaana looga dhigay ra’iisul wasaaraha Somalia.

1. Wuxuu isaga iyo aabihii(Sheikh Axmed Baardheere) ku dhasheen lana soo dhaqmeen beesha Digil iy Mirifle

2. Wuxuu ku hadlaa afka maay maay-ga.

3. Aabihiis wuxuu ahaa wadaad caan ka ahaa gobolada koonfureed gaar ahaan jameecada Baardheere.

4. Maadaama uu Dhulka Digil iyo Mirifle ka yimid, waxa uu sidoo kale haystaa taageerada beelaha Digil iyo Mirifle.

5. Dr. Cabdiwelli Sheikh Axmed baardheere waa nin ka soo jeeda dhal culumo , subaca quraanka afka maay maay-gana aad u yaqaana.

6. Dr. Cabdiwelli wuxuu saaxiib dhow weligii la ahaa dad ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Faarax Cabdulqaadir, Prof Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil iyo rag kale.

7. Dr. Cabdiwelli waa nin ka soo jeeda Mareexaan iyo Digil iyo Mirifle, maadaama hooyadiis ay tahay Digil iyo Mirifle.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online