KENYA oo 4 qof oo muhiim ah u gacan gelisay TURKIGA

Nairobi (Caasimada Online) –  Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyey Kenya, kuwaas oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in la afduubay oo si qasab ah loo celiyay, ayada oo la jebinayo sharciga caalamiga ah.

Afarta qof — Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci – ayaa dib loogu celiyay Turkiga Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Waxay daba socotay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegayey in laga afduubtay waddo ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaga iyo saddex qof oo kale oo markii dambe la sii daayay.

UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa bayaan ay siisay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay “inay aad uga walaacsan tahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya.”

Waxay ugu baaqday dawladda Kenya “inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah iyo gaar ahaan, inay ixtiraamto mabda’a magan-galyo-doonka iyo qaxootiga ka ilaalinaya tallaabo kasta oo u horseedi karta in loo raro meel ay noloshooda ama xorriyaddooda halis ku galeyso”.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Kenya ay ku lug yeelato falal qasab ah oo lagu masaafuriyey muwaadiniin Turkish ah.

Bishii May 2021, basaasiinta Turkiga ayaa afduubtay Selahaddin Gulen, ay ehel yihiin nin ay muddo cadaawad kala dhaxeysay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, inkasta oo maxkamadda Kenya ay amartay inaan loo gacan gelin.

Waxaa adeer u ahaa Fethullah Gulen, oo ah wadaad Axaddii geeriyooday isaga oo 83 jir ah, kaasi oo fadhigiisu ahaa Maraykanka, islamarkaana uu Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee 2016.

Waxaa jira warar sheegaya in basaasiin Turkish ay si qasab ah dib ugu celiyeen tobonaan ka mid ah taageerayaasha Gulen oo ku kala sugnaa daafaha caalamka.

Turkiga ayaa sidoo kale Kenya ku qabtay hogaamiyihii xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK Abdullah Ocalan oo sanado badan baxsad ahaa.

Ilaa hadda ma cadda in afarta qof ee Jimcihii dib loogu celiyay Turkiga lagu eedeeyay inay taageerayaan Gulen ama koox kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay inay Turkiga ka heshay ballanqaad ah “in si sharaf leh loola dhaqmi doono.”

Balse Amnesty International ayaa Sabtidii sheegtay, ka hor inta aan la xaqiijin dib u celinta qaxootiga, inay xadgudub ku tahay sharciga qaxootiga Kenya iyo kan caalamiga ah.

“Afduubkoodu wuxuu hoosta ka xariiqayaa welwelka sii kordhaya ee ku saabsan badbaadada dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku sugan Kenya,” ayey tiri Amnesty.

Isbahaysi ay ku mideysan yihiin kooxaha u dooda xuquuqda Kenya ayaa sheegay in ay aad uga naxeen falka ay ku dhaqaaqday dowladda, iyaga oo sheegay in “ay halis weyn gelisay afar bani’aadam iyo sidoo kale maqaamka Kenya ee ah dal badbaado.”

Waxay sheegeen in falkani “uu wiiqayo sumcadda Kenya” oo ah mid ka mid ah 18-ka xubnood ee cusub ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo loo doortay horraantii bishan.

Kenya ayaa martigelisa in ka badan 780,000 oo qaxooti ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Isha: VOA