Khaatumo iyo Maakhir ma isla macaashi karaan mise midkood baa baxaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Asbuucii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gunaanaday kulan ay lahaayeen siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Laakiin magaca kulankooda wuxuu ahaa Maakhir State. Kulankooda waxay ku sheegeen waxa ay rabaan, waxa ay tabanayaan iyo fursadaha u muuqda deegaan ahaan iyo dad ahaan.

Kulanka ay yeesheen reer Maakhir waxay ku sheegeen inay doonayaan in ay noqdaan maamul kamid ah maamulada hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulkan hadda lama aqoonsana, si caadi ahna ugama jiro deegaanada uu xisaabsanayo, laakiin adeegsiga magacani wuxuu jiraa dhowr sanno.

Waxay hadda saami ahaan ka tirsan yihiin maamulka Puntland. Waxay xoojiyeen dooddooda doonista maamul gaar ah, tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya u carab laad-laadisay Khaatumo, kuwaasi oo illaa hadda si rasmi ah loo aqoonsan.

Inay si gaar ah wax u helaan gobollada Sool iyo Sanaag waa arrin u baahan inay dowladda federaalka Soomaaliya go’an rasmi ah ka gaarto, iyadoo dhinaca kale aan la sahashan karin sida uu go’aankan u saameyn doono maamulka Puntland, oo iyagu sheegta inay labadaan gobol xukumaan, sidoo kalena ay reerahani saami-qeybsi siyaasadeed ku haystaan.

Dhawaan xubno siyaasiyiin ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u tegay, kalana hadlay inuu aqoonsi buuxa siiyo maamulka Khaatumo, waxay sheegeen inuu madaxweynaha ku yiri soo dhameystira shuruudaha aad ku noqon kartaan maamul buuxa, oo loola jeedo inay reer Sanaag soo qanciyaan.

Sida muuqata hadda reerka gobolka Sanaag aqlabiyada ka ah iyagaa raba maamul gaar ah oo la yiraahdo Maakhir State. Haddii aad isweydiinayso ma wada macaashi karaan Khaatumo iyo Maakhir, jawaabtu marna waa haa, marna waa maya.

Mar waa haa, oo haddii ay wada-jir wax ku doonaan waa macquul inay hal maamul oo buuxa isku noqdaan, sidaasna aqoonsi kaga helaan dowladda federaalka Soomaaliya, ugana hoos baxaan maamulka Puntland.

Marna waa maya, oo haddii ay gooni-gooni wax u raadiyaan midkoodna ma heli karo aqoonsi maamul, oo ma buuxin karo shuruudaha.

Hadda waxay u baahan yihiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka Khaatumo iyo Maakhir, ama labada reer ee Sool iyo Sanaag aqlabiyada ka ah inay hoos isku warsadaan, fahmaana inay wax ku heli karaan wada-jir, caqliguna ku jiro inay hal calan qaatan oo ay hal maamul noqdaan.