Xasan Cali Kheyre oo digniin ka soo saaray arrin ka soo korortay xad-gudubka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin culus kasoo saaray hanaanka lagu wajahayo xiisadda Itoobiya ee salka ku haysa damaca baddeena.

Kheyre ayaa waxa uu sheegay in duullaanka Itoobiya looga gudbi karo oo keliya isku-duubni iyo midnimo, isla markaana laga fogaado wax walba oo dhaawici kara wadajirka umadda Soomaaliyeed.

“Dalkeennu wuxuu wajahayaa duullaan shisheeye oo ay ku soo qaadday Itoobiya, waxaana uga gudbi karnaa dhiifooni, isku-duubni, iyo midnimo, iyo in aan ka foggaanno wax waliba oo dhaawici kara wadajirka bulshadeenna,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Waxa uu intaas kusii daray “Koonfur Galbeed iyo deegaannada kale ee Soomaaliyeed ee ay maanta joogaan ciidamada shisheeye kuma imaan jaceyl loo qabo ee waxaa keentay duruufta amni ee dalka ka jirta.”

Dowladda federaalka ayuu ujeediyay in ay masuuliyad gaar ah iska saarto sidii ay u dabooli lahayd baahida amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo xaqiiqada qaraarna lagu wajaho caqli saliim ah, si looga maarmo ciidan shisheeye.

“Dariiqa maanta dalka looga bad-baadinayo duullaanka Itoobiya nagama xigo dhanka qabyaaladda, kala-qeybinta bulshada, iyo in dalka iyo dowladnimada laga xigsado reer Koonfur Galbeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ka digayaa hadallada xanafta, dhiillada, iyo qabyaaladda xambaarsan ee warbaahinta la isu marinayo, oo abuuraya khilaaf hor leh, siina kala dhantaalaya midnima ummaddeenna.”

Ugu dambeeyntiina wuxuu madaxda sare ee dalka ugu baaqay inay la yimaadan aragti qaran, waaqici ah, islamarkaana jiheyn karta bulshada, mideyna karta cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay mudnaanna siiyaan danta guud, kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara midnimada dalkeenna iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.”