Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalada kacsan ee Koonfur Galbeed ayaa u muuqata in haatan ay yeelatay weji cusub, waxaana soo baxay khilaaf horleh oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada maamulaas ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Khilaafka ayaa maanta bannaanka usoo baxay kadib markii Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba lagu celiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayay si weyn ugu kala qayb-sameen xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana qaarkood ay kasoo horjeesteen in la hor istaago Xildhibaan Sareedo, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in laga celiyo magaalada Baydhaba oo ay saaka kusii jeedday.

Sareedo oo qudheeda la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in lagu xagdubay, isla markaana saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen, kana reebeen dyaaradda.

“Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri  Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay is hortaagga lagu sameeyay xildhibaannada, isaga oo toos ugu eedeeyay inay ka dambeyso Villa Soomaaliya.

“Xildhibaannadu ma’ah shaqaale Xasan Sheekh, waa xadgudub sharci iyo gef wayn in saaka xildhibaan qaran kahor istaago inuu u safro Baydhaba oo ah deegaan doorashadiisa” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi.

Dhankiisa Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay war ka duwan midkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horay isaga iyo xildhibaanno kale uu maamulka Laftagareen u diiday Baydhaba, haddana aysan macquul ahayn in xildhibaan aan fasax haysan loo ogolaado Baydhaba oo uu tilmaamay inuu ka socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan sirdoonno shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka Laftagareen wuxuu horey Xildhibaano reer Koonfur Galbeed ugu diidey in ay degaankooda tagaan. Maanta ma jirto sabab Xildhibaan aan fasax haysan uu Baydhabo u tago la kulanka sirdoon shisheeye” ayuu isna ku jawaabay Xildhibaan Mukhtaar Guuleed.

Wasiirkii hore ee haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Hanifa Ibraahim Habsade ayaa iyaduna ku jawaabtay “Xildhibaankii isaga oo Mayd wado diyaarada laga soo dejinaayey shalay ma ahayno! Guddoomiye Jawaari Allah u naxariistee isaga oo Baydhabo loo diiday ayuu Xamar ku dhintay, xitaa Maydkiisa loo qaadin. Dadkii dad celin jiray oo diyaaradaha lahadli jiray lee Eedadayna (Xildhibaan Sareedo) maanta celiyey.”

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu Laftagareen ka horyimid gebi ahaan qorshaha Villa Somalia.