Kiiska Ikraan Tahliil – Maxaa xiga laba sano kadib markii Xasan uu kursiga ku fuulay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan eedood oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku ololeeyay doorashadii ugu dambeysay ee 2022 waxaa ku jiray kiiska Ikraan Tahliil Faarax, madaxii hore ee waaxda internet-ka ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Gabadhan ayaa lagala baxay gurigeeda 26-kii June 2021. Qoyskeedu waxay kal hore dacwad ku oogeen xubno ay kamid ahaayeen taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Cabdullaahi Kulane, madaxii hore ee shaqada iyo shaqaalaha ee hay’adda NISA oo haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa kursiga waa ku fuuleen Ikraan, laakiin Hooyadeed Qaali Guhaad waxay dhawaan sheegtay in aan illaa hadda lagala hadal mowduuca gabadheeda, madaxda xukunka haysatana aanay fulin wixii ay ballan-qaadeen markii lagu jiray ololaha doorashada oo aheyd inay kiiska Ikraan cadaaladda horgeyn doonaa.

Mowduuca Ikraan Tahliil waa ballan-qaad weyn oo Xasan Sheekh u sheegay umadda Soomaaliyeed, laakiin laba sano iyo hal bil kadib madaxweynaha arrintaan ma furin, haddana saan-saanteeda lama sheegin oo haddii ay wax socdaan qoyska Ikraan ayaa laga garan lahaa.

Gabadha dhalinyaradda aheyd ee qarankeeda u adeegaysay ee maqan mowduuceeda kuma dhamaan karo inuu ahaa olole doorasho. Waxaana madaxweyne Xasan Sheekh hortaalla inuu umadda uga jawaabo sababta uu kiiskaas hoos ugu dhigay, maadaama uu ahaa mid kamid ah waxyaabihii uu sida weyn ugu eedeyn jiray nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax, saaxiibadeed iyo Soomaalida dulmi diidka ahba waxay maanta sawiranayaan in dhiigga gabadha dhalinyaradda ah uu dadka qaar ka ahaa jaranjaro xukun lagu gaari karo, waxaana in laga sii aamusnaado dhalin kartaa in mardambe aan la aaminin eedaha iyo ballamaha madaxda Soomaalida.

Muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka dhiman hal sano iyo 11 billood, dadka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan inta aan doorashada kale la gaarin Ikraan Tahliil iyo qoyskeedu cadaalad ma heli karaan oo madaxweyne Xasan Sheekh ma fulin doonaa ballantii cadaaladeed ee uu horey u qaaday ee la xiriirtay kiiska Ikraan Tahliil.